Muxuu Tababaraha Xulka France Ee Didier Deschamps Ka Yidhi Guushii Ay Xalay Ka Gaadheen Xulka Belgium Ee Ay Iskaga Xaadiriyeen Final-ka Koobka Aduunka?

Tababaraha xulka qaranka France ee Didier Deschamps ayaa ka hadlay guushii ay xalay ka gaadheen dhigooda Belgium kulank ka tirsanaa Semi Final-ka tartanka koobka aduunka ee ka soconaya dalka Ruushka, Xulka France ayaa kulankan isaga xaadiriyay Final-ka tartanka iyagoo sugi doona midka caawa soo baxa xulalka England ama Croatia.

Gool madax ah uu uu dhaliyay Samuel Umtiti ayaa Les Bleus ugu filnaaday inay dhaafaan Red Devils kaddib kulan xiiso badan Final-kan ayaana xulka France u ah midkii labaad ee saddex sano gudaheed iyaga oo sanadkii 2016 gaadhay finalka EURO walow ay guuldarro xanuun badan kala kulmeen xulka Portugal iyaga oo ku ciyaaraya cariga France.

Deschamps waxa uu sheegay in guuldaradii ay Portugal kala kulmeen 2016-kii aysan wali baabi’in isagoo dhinaca kale u hambalyeeyay ciyaartoyda iyo dhammaan shaqaalaha tababarka waxaana uu yidhi “Guuldaradii laba sano kahor ee Final-ka ee dalkeenu may baab’in wali way joogtaa halkaas, Axada waxay noqon doontaa kulan gaar ah, Hambalyo ciyaartoydayda iyo dhammaan shaqaalaha tababarka”

Dhinaca kale Didier Deschamps waxa uu xiddigaha da’da yar ee xulkiisa ku amaanay maskaxdooda xoogan iyo dabeecadooda wanaagsan isaga oo sheegay in kulanka Belgium uu ahaa mid iyaga ku adag waxaana uu yidhi “Way da’yaryihiin laakiin waxay leeyihiin dabeecad fiican iyo maskax xoogan”

“Way adkayd maanta waxaan ka horjeednay xul weyn oo Belgian ah waxay ahayd inaan si adag u shaqayno daafac ahaan goolkii Umtiti waxa uu ahaa mid anaga noo fiican”