Muxuu Tababaraha Shaqo La’aanta Ah Ee Jose Mourinho Ka Yidhi Qorshihii Ay Real Madrid Isaga Kaga Leexatay Kuna Dooratay Soo Celinta Zinadine Zidane?

Tababaraha xaalada shaqo la’aanta ah ku jira ee Jose Mourinho ayaa ka warramay go’aankii ay kooxda Real Madrid ugu magacawday Zinadine Zidane isagoo isagu qayb ka ahaa murashaxiinta jagadaas ku loolamayay.

Marka laga yimaado in shaqada si xoogan loola xidhiidhinayay ayuu haddana Mourinho shaqada u waayay tababaraha ree France oo kaliya Real ka baxay bishii May e sanadkii hore.

Si kastaba, Xaalada ayaa haatan ah mid wanaagsan oo dhinac kastaba u fiican sida laga soo xigtay Special One oo markii ugu horreysay ka hadlay shaqadan uu u waayay sababta Zizou.

“Waxaan filayaa inay tahay wax wanaagsan ah iyadoo loo eegayo waxyaabaha cajiibka ah ee uu sameeyay dhawaanahay, Waa mid ii fiican aniga, U fiican Real Madrid, U fiican isaga (Zidane)” Ayuu u sheegay El Chiringuito sida laga soo xiganayo Marca.

Zidane ayay u taalaa shaqo culus oo ka badan midii uu hore uga soo sameeyay Madrid maadaama oo laga sugayo inuu gabi ahaanba dib u dhiso koox mudooyinkii ugu dambeeyay bur-burtay gaar ahaan kaddib bixitaankiisii iyo midkii Ronaldo.

Dhammaadkii bisha Febraury iyo horaantii March ayaa ahaa kuwo si gaar ah ugu adag kooxda oo ay dhammaan ka hadhay koobabkii ay ku jirtay taas oo dhalisay caydhinta tababare Santi Solari.

Zidane ayaa looga fadhiyaa soo celinta maalmihii quruxda badnaa maadaama oo uu kusoo guuleeyay kooxda saddexddii Champions League ee ugu dambeeyay.

Dhinaca kale, Zidane waxa uu suuqa la geli doonaa lacago badan si uu u keeno xiddigo hoggaan ah oo ah waxa ay xilli ciyaareedkan wayday Real Madrid.