Muxuu Tababaraha Arsenal Unai Emery Ka Yiri Guuldaraddii Xanuunka Badnayd Ee Kooxdiisa Xalay Kasoo Gaartay Naadiga Leicester City.?

Advertisements

Tababaraha ku dhibaatoonaya shaqadda kooxda Arsenal ee Unai Emery ayaa ka hadlay waji gabixi layaabka lahaa ee kooxdiisa xalay ka soo gaartay naadiga Leicester City.

Gunners ayaa waxaa guul daro xanuun badan oo 2-0 ah xalay afka ciidda ugu daray wiilasha ku ciyaara garoonka King Power Stadium, xilli ay u quus gooyeen jamaahiirta Arsenal oo guul dhankoodda door bidayay.

Advertisements

Haddaba shir jaraa’id oo uu saxaafadda u qabtay macalinka Arsenal kadib ciyaarta ayaa wuxuu ku sheegay siddan:- “Waan aqbalayaa wax kastoo dhaleecayn ah, waan ogahay marka aan guulaysano in dhamaan kooxdu ay wada farxayaan, kolka aan guuldaraysanana ay ka wadda xumaanayaan.

“Waxaan u baahanahay in aan is dajino, sidoo kallena sameyno sheeyo hormar leh, , manta waxaan u baahanahy in aan hal talaabo horay u qaadno inagoo wada jirna oo is difaacayna.

Advertisements

“Hadda waxaan ka fakeraynaa siddaan kooxda u hormarin lahayn, una sameyn lahayn wax wanaagsan

Advertisements