Muxuu Santiago Solari Ku Jawaab Celiyay Markii Wax Laga Weydiiyay Isco Oo Uu Kulamadii Ugu Dambeeyay Keydka Dhigay?

Tababaraha Kooxda Real Madrid ayaa markii ugu horreysay wax laga weydiiyay xaalada xiddiga kooxdiisa ee Isco Alarcon oo uu kursiga keydka dhigayay kulamadii ugu dambeeyay isla markaana u muuqda mid aan faraxsanayn.

Solari oo ku jiray shirka jaraa’id ee ka horreeya kulanka ay toddobaadkan la yeelan doonaan Valencia ayaa gabi ahaanba ka fogaaday inuu jawaab toos ah ka bixiyo markii wax laga weydiiyay Isco.

Santiago Hernan Solari

Xaalada cakiran ee u dhaxaysa xiddigan iyo tababaraha ayaa ah mid sii xumaanaysa mana jiraan wax cadayn ah oo kala saaraya haddii uu shaxda kusoo bilaaban doono, Haddii keydka la fadhiisin doono iyo haddii gabi ahaanba safka laga saari doono sidii dhacday kulankii Roma.

Tababarihii hore ee da’yarta Madrid ayaa yidhi “Waxaan tix gelinayaa in mawduuca la xidho, Oo aanan ogaan karin wararkiina xanta ah, Safku waxa uu ka kooban yahay 24 xirfadle dhammaantoodna way shaqeeyaan”

“Waxaan sameeyaa waxaan filayo inuu u wanaagsan yahay qofkasta, Dhammaanteen waxaan nahay muhiim sababtoo ah dhammaanteen waxaan nahar Real Madrid”

Si kastaba ha ahaatee, Isco ayaa xaaladani aysan ahayn mid ku cusub balse uu sidoo kale kala soo kulmay tababarayashii hore ee Carlo Ancelotti iyo Zinadine Zidane oo uu ugu dambayn ku qanciyay ciyaartiisa.