Muxuu Santiago Solari Ka Yidhi Guuldaradii Kooxdiisa Real Madrid Ka Soo Gaadhay FC Girona? Miyuu Tartankii La Liga Ka Soo Dhamaaday Madrid?

Tababaraha kooxda Real Madrid ee Santiago Solari ayaa saxaafada ka soo hor muuqday kadib guuldaradii waji gabaxa ahayd ee ay kooxdiisu Bernabeu kagala kulantay kooxda yar ee FC Girona. Girona ayaa si lama filaan ah saddexda dhibcood uga qaadatay Real Madrid oo qaab ciyaareed cajiib ah ku soo jirtay bilihii ugu danbeeyay.

Real Madrid ayaa xiliyadii la soo dhaafay mararka qaar shan dhibcood oo kaliya u jirsanaysay hogaanka La Liga ee ay Barcelona hayso laakiin hadda Real Madrid ayaa 9 dhibcood hoos uga dhacday hogaanka La Liga ee ay Barcelona hayso waxayna Los Blancos kaalinta saddexaad ugu jirtaa 45 dhibcood halka Barcelona ay kaalinta kowaad 54 dhibcood ugu fadhido.

Real Madrid oo hore guul uga gaadhay Atletico Madrid isla markaana kaalinta saddexaad kala baxday ayaa hadda is arkaysa iyada oo kaalinta saddexaad ku laabtay maadaama oo ay Atletico Madrid kaalinta labaad ku soo gashay guushii ay Rayo Vallecano ka gaadheen waxayna yeesheen 47 dhibcood.

Laakiin Santiago Solari ayaa si cad ugu dooday in kooxdiisa Real Madrid ay wali si toos ah ugu jirto tartanka horyaalka La Liga isla markaana aanu jirin wax dhamaaday laakiin waxa uu cadho wayn ka muujiyay in ay si ceeb leh iskaga qasaariyeen saddexdii dhibcood ee FC Girona.

Santiago Solari oo ka hadlaya haddii kooxdiisa Madrid uu tarankii La Liga ka lumay ayaa yidhi: “Miyuu horyaalku lumay? Maya. Maya haba yaraatee. Maya. Todobaadka soo socda kulan kale ayaa jiri doona, waxaana sidoo kale ciyaari doona kooxaha aanu xifiltamayno”.

“Kulan kastaaba wuu adag yahay sidii ay maanta Girona muujisay, lakaiin waxaa waajib nagu ah in aanu sii wadno guulaysiga si aanu fogaanta u soo yarayno” ayu Solari hadalkiisa sii raaciyay.

Laakiin Santiago Solari ayaa ceeb ku tilmaamay in ay saddexdii dhibcood ee kulankii FC Girona iska lumiyeen wuxuuna yidhi: “Waa ceeb in ay saddex dhibcood naga baxsadeen isla markaana ay kooxihii noogu dhawaa guulaysteen. Waa ceeb sababtoo ah qaab ciyaareed fiican ayaanu ku soo jirnay waxaananu soo yaraynay fogaanta, hadda saddex dhibcood ayaanu ka durugsanahay shalay”.

“Taasi waa kubbada cagta, maanta waxaa jirtay Girona oo si fiican u ciyaartay. Qaybtii hore ee ciyaarta ismay dhiibin, ee markii aanu haysanay fursado aanu goolal badan ku dhalin karnay. Qaybtii labaad tamar badan ayay lahaayeen, waxayna ku fiicnaayeen weerarka , anaga taas ayaan noo kala cadayn”. ayuu Solari hadalkiisa ku sii daray.

Real Madrid ayaa kooxda Levante la ciyaari doonta kulanka soo socda ka hor inta ayna Bernabeu kulanka El Calsico kula ciyaarin kooxda hogaanka La Liga haysa ee Barcelona.