Muxuu Sameeyay Gareth Bale Markii Laga Reebay Liiska Ciyaartoyda Kulankii Club Brugge? Maxaase Laga Qoray Maanta

Gareth Bale ayaa doonaya inuu isaga guuro Real Madrid kadib markii laga careysiiyay ka hor kulankii ay kooxdiisa 2-2 la dhaafi weysay Club Brugge, ciyaar ka tirsan kulamada 2-aad ee wareega group-yada koobka horyaalada yurub.

Wargeyska AS ee laga leeyahay Madrid ayaa shaaca ka qaaday in 30-jirkaan heerka caalami uu quus ka joogo sida uu yahay xaalkiisa, wuxuuna markaan go’aan ku gaaray inuu isaga guuro kooxda 13-ka jeer heysta koobka yurub.

Bale wuu xanaaqay markii uu ogaaday in laga reebay safka ay kooxdiisa ku wajahday Club Brugge isbuucii lasoo dhaafay, garoonka ayuuna ka tagay ka hor inta aysan ciyaarta bilaaban.

Barnaamijka Deportes Cuatro ayaa lagu soo bandhigay muuqaal muujinaya Gareth Bale oo daqiiqad ka hor bilowga ciyaarta kasii baxaya garoonka Santiago Bernabeu, mana aheyn markii ugu horreysay uu jabinayo sharciga u yaalla kooxda.

Xiriirka u dhaxeeya Zinedine Zidane iyo Garet Bale ma aheyn mid wanaagsan mar walba, waxaana laga saaray liiska kooxda isagoo taam buuxa ah.

Ma aheyn markii ugu horreysay uu Gareth Bale jabiyo sharciga kooxda, garoonka Santiago Bernabeu ayuuna isaga tagay daqiiqadii 78-aad ee ciyaarta kulan ay kooxdiisa horaantii sanadkaan guuldaro kala kulantay Real Sociedad.