Muxuu Sadio Mane Ku Jawaabay Markii La Weydiiyay Haddii Uu Koobka Qaramada Africa Ku Doorsan Lahaa Champions League Oo Uu Dhawaan Kusoo Guuleystay?

`Garabka kooxda Liverpool ee Sadio Mane ayaa la weydiiyay haddii uu jeclaan lahaa inuu koobka qaramada Africa ee uu haatan ka qayb qaadanayo dhaafsan lahaa tartankii UEFA Champions League ee uu toddobaadyo kahor kusoo guuleystay.

Mane ayaa fure usoo ahaa in kooxdiisu ay xilli ciyaareedkii tagay kusoo guuleysatay tartannka ugu xiisaha badan Yurub markeedii lixaad isagoo dhinaca kale ka caawiyay inay helaan 97 dhibcood oo Premier League ah.

Dhinaca kale Mane ayaa xilli ciyaareedkaas ciyaartiisa geeyay heer kale isaga oo lasoo baxay gool dhalin aan hore loogu aqoon isla markaana awooday inuu Mohamed Salah iyo Aubameyang si wadajir ah ugula guuleysto kabta dahabka ah ee gool dhalinta PL.

Si kastaba, Sadio ayaa haatan banaanka keenay sida ay uga go’antahay inuu koobka qaramada Africa ee AFCON kula guuleysto dalkiisa Senegal isagoo qirtay inuu xataa dhaafsan lahaa Champions League si uu koobkaas u hanto.

Xiddigii hore ee Southampton ayaa yidhi “Inaanu tartanka kula guuleysano dalkayaga oo aan waligiis ku guuleysan waxay noqon lahayd wax cajiib ah”

“Waxaan dhaafsan lahaa Champions League aan kula guuleystay Liverpool koobka Africa oo aan kula guuleysto Senegal, Waxaanu heli lahayn ku laabasho dalkayaga ah oo aan caadi ahayn, Waa riyadayda weyn”

Marka laga yimaado inaysan abid kusoo guuleysan koobkan, Mane ayaa aaminsan inay leeyihiin waxkasta oo ay ugu guuleysan karaan tartankan.

Mane oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Gacmahayaga ayay ku jirtaa, Way cadahay inaanu nahay mid kamida kuwa ugu cad cad, Anagu ma dafiri karayno midaas, Maaha mid nagu filan inaanu natiijooyin helno laakiin waa inaanu noqono heerkayaga ugu wanaagsan kulan kasta”