Muxuu Pep Guardiola Ka Yidhi In Tottenham Ay Iskugu Aadeen UEFA Champions League Iyo Rajada Ay Kooxdiisa City Ku Soo Bixi Karto?

kooxaha Premier league ku xifiltama ee Manchester City iyo Tottenham ayaa isku arki doona siddeed dhamaadka UEFA Champions league kadib isku aadkii shalay ay UEFA samaysay, waxaana falcelin ka sameeyay isku aadka macalinka Man City ee Pep Guardiola.

Manchester City iyo Tottenham oo wali kulankoodii labaad ee Premier league aan wada ciyaarin ayaa markale isku arki doona Champions league iyada oo labada kooxood ay iskaga mid yihiin in min markii saddexaad oo kaliya ay soo gaadheen siddeed dhamaadka Champions league.

Guardiola ayaa sheegay in kulanka Tottenham iyo kooxdiisa Man City uu yahay kulan boqolkiiba 50/50 ah ay koox kastaba ku soo bixi karto wuxuuna tilmaamay in ay yihiin laba kooxood oo si fiican isku garanaya.

Guardiola oo ka hadlaya kulanka ay Tottenham isku arki doonaan Champions leauge ayaa yidhi: “Waxaanu nahay laba kooxood oo cajiib ah oo haysta ciyaartoy iyo garoomo, waxayna noqon doonaan laba kulan oo xiiso badan”.

Laakiin Pep Guardiola ayaa tilmaamay in uu noqon doono kulan isku dheeli tirnaan doona oo ayna kooxini awooda sare lahayn wuxuuna yidhi: “Anagu si fiican ayuu midba kaayaga kale u garanayaa, waa boqolkiiba 50/50. Kadib fasaxa caalamiga ah, waxaanu isku dayi doonaa in aanu helno xaalada ugu fiican ee ugu suurtogalsan ee labadan kulan”.

Laakiin macalinka reer Spain ee Pep Guardiola ayaa farxad ka muujiyay in ay qayb ka yihiin siddeeda kooxood ee Champions league wuxuuna yidhi: “Waa farxad in aad mid ka tahay siddeeda kooxood ee ugu danbeeya ee ku jira Champions league”.

Man City ayaa kulanka lugta hore ee siddeed dhamaadka UEFA Champions league waxay Wembley Stadium ku booqan doontaa Tottenham halka kulanka lugta labaad uu ka dhici doono Etihad Stadium marka ay taariikhdu tahay April 17.

Laakiin waxaa la filayaa in Man City ay tahay koox ka awood badnaan karta Tottenham waxaana loo arkaa kooxda u soo bixi karta afar dhamaadka UEFA Champions league.