Muxuu Pep Guardiola Ka Yidhi Haddii Ay Iibin Doonaan Kevin De Bruyne Iyo Qiimaha Uu U Qalmo Haddiiba Ay Go’aansadaan Inay Iibiyaan.

Tababaraha kooxda Manchester City ee Pep Guardiola ayaa ka hadlay su’aasha ah haddii uu iib yahay xiddiga kooxdiisa muhiimada weyn u leh ee Kevin De Bruyne, Sidoo kale tababarahan ayaa ka hadlay qiimaha ay xiddigan kaga samri lahaayeen haddiiba ay iibinayaan.

Kevin ayaa xilli ciyaareedkii afraad la qaadanaya Citizens waxaana uu mudadaas wacdaro u dhigay kooxdiisa isaga oo sanadkii hore ku dhawaaday hanashada abaalmarinta xiddiga sanadka ee horyaalka Premier League, Bishii January ayay ahayd markii xiddigani uu qandaraas lix sano ah u saxeexay kooxdiisa taas oo niyad jab ku noqotay kooxihii doonayay.

Tababare Pep ayaa si dadban u qiray in qandaraaskii De Bruyne ee January uu yahay mid lagu burburin karo qiimo dhan 250 Milyan walow uu markiiba dib uga laabtay fikrada ah inuu xiddigan iibinayo sheegayna inuuna xiddigani iib ahayn.

“Isagu waa wiil cajiib ah, Qiimaha lagu fasaxayaa waa 250 Milyan, Waan ka xumahay isagu maaha iib maya ma ogi waxa uu qiimaha lagu fasixi karaa yahay, Jorge Valdano ayaa i waydiiyay haddii aan isaga ku iibin lahaa 250 Milyan waxaanan idhi maya”

“Waa fikradayda shaqsiga ah, Halkan England ma jiro qiimo xiddigaha lagu fasaxaa, Waa inaad la xaajootaa kooxda, Uma malaynayo (Inuu leeyahay qiimo lagu fasaxo)”

Kevin De Bruyne ayaa hormood ka ahaa kooxdii tababare Pep Guardiola ee xilli ciyaareedkii hore wacdaraha ka dhigtay horyaalka Premier League isla markaana jabisay inta badan rekoodhadii ka yaalay