Muxuu Paul Pogba Ka Yidhi Inuu Ku Dabaal Degay Kooxdiisii Hore Ee Juventus Kaddib Markii Uu Soo Idlaaday Kulankii Ay Daqiiqadaha Kooban Dhibcaha Kaga Qaateen?

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Manchester United ee Paul Pogba ayaa kaddib kulankii ay daqiiqadaha kooban guusha weyn kaga soo gaadheen kooxdiisii hore ee Juventus wax laga weydiiyay dabaal degii uu sameeyay dhammaadkii kulanka.

Cristiano Ronaldo ayaa gool hoggaanka ugu dhiibay Bianconeri horraantii qaybtii dambe balse gool laad xor ah ahaa oo ka yimid Juan Manuel Mata iyo gool uu si qaldan iskaga dhaliyay Alex Sandro ayaa Red Devils ka caawiyay inay guul lama filaan ah gaadhaan.

Pogba contributed to the winner. GOAL

Pogba ayaa guushaas iyo dabaaldegiisa ku sifeeyay wax qariib ah, Isaga oo dhinaca kale sheegay inuu la dhacsan yahay soo dhaweynta jjamaahiirta Juve.

25 jirkan ayaa yidhi isaga oo dareenkiisa ka hadlaya “Waan dabaal degay laakiin waxay ahayd qariib, Waxa laga yaabaa inay taabatay dad badan”

“Way wanaagsantahay, Waan guuleysanay waxaan arkay taageerayaal, Waxay ahaayeen kuwo aad iisoo dhaweeyay waanan la dhacsanahay midaas, Waxaan la ciyaarnay koox fiican oo ciyaartoy fiican leh laakiin waxa ugu muhiimsani waa saddexda dhibcood”

“Waxaan filayaa in sidani tahay wixii aan qabanaynay toddobaadyadii ugu dambeeyay, Inaan si fiican u wada ciyaaraynay inaga oo si fiican samaynaynay ilaa dhammaadka, Kulanku waa 90 daqiiqo, Waanu riixaynay (Weerartamaynay) Laga yaabaa inaan awood yar oo dheeraad ah leenahay dhamaadka, Waanu riixnaa oo aan dhalinaa”