Muxuu Maurizio Sarri Ka Yidhi Taariikhda Iyo Sumcada Kooxdiisa Chelsea Kaddib Markii Uu Qabsaday Juventus? Hadalka Kasoo Yeedhay Oo Nabar Ku Ah Jamaahiirta Blues.

Tababaraha cusub ee kooxda Juventus Maurizio Sarri ahna tababarihii toddobaadyo kahor kasoo wareegay Chelsea ayaa sameeyay isbar-bardhig labada kooxood ah isaga oo si dadban u bahdilay Blues.

Maurizio ayaa xagaagii hore uun kusoo biiray Chelsea isaga oo shaqada kooxdaas ka bedelay Antonio Conte, Intaa kaddib waxa uu lasoo kulmay eedaymo baahsan walow uu ugu dambayn kaga maydhay hanashadii Europe League.

Sarri ayay jamaahiirta Chelsea soo ahaayeen kuwo si joogto ah u af-xumeeya iyaga oo aan marnaba ku qanacsanayn habkiisii ciyaareed ee Sarri Ball.

Haatan, Toddobaadyo kaddib u wareegistiisa magaalada Turin, Sarri ayaa sameeyay isbar-bardhig labada kooxood ee uu u kala wareegay ah.

Sarri ayaa sheegay inuu nasiib wanaagsan kulahaa inuu Chelsea iyo Stamford Bridge tababare ka noqdo balse ay Blues tahay koox 20 sano uun soo taariikh fiicnayd halka uu Juve ku sheegay kuwo taariikh 100 sano ah leh.

60 jirkan oo arrimahaas ka warramaya ayaa yidhi “Waxaan lahaa nasiibka wanaagsan ee aan ku tababaro Chelsea, Koox noqotay mid aad u muhiim ah sanadahan dambe”

“Laakiin Juventus waa mid ka duwan, Halkan taariikhdu waa 100 sano Chelsea gudaheedana waxay soo bilaabantay ilaa 20 sano kahor”.