Muxuu Madax Waynaha Ruushka Ee Vladimir Putin Uu U Sheegay Aabaha Dhalay Feedhyahanka Muslimka Ah Ee Khabib Nurmagomedov Kadib Qaabilaadii Dagaalkii Qaska Ahaa Ee Conor McGregor?

Madax waynaha dalka Ruuska ee Vladimir Putin ayaa soo dhawayn iyo hambalyo u sameeyay feedhyahanka muslimka ah ee dalkiisa Khabib Nurmagomedov kaas oo qaab bahdilaad ah u garaacay ninkii diinka islaamka wax ka sheegay ee Conor McGregor.

Madax wayne Vladimir Putin uu hore telefoonka ugula hadlay Khabib Nurmagomedov isla markii uu ka guulaystay Conor McGregor ee dhacdadii UFC 229 ee dagaalka iyo rabshada isku badashay ayaa ugu danbayn waxa uu qaabilay Khabib Nurmagomedov iyo aabihii.

Laakiin waxaa la ogaaday hal arin oo uu Vladimir Putin ka dalbaday aabaha dhalay Khabib Nurmagomedov taas oo la xidhiidha rabshadii iyo dagaalkii ka danbeeyay kulankii UFC 2209 ee uu Khabib wareegii afraad ku garaacay Conor McGregor.

Khabib aabihii Abdulmanap ayaa cadho wayn ka muujiyay in wiilkiisa iyo kooxda la socotay ay qayb ka noqdeen dagaalkii iyo rabshadii ruxday UFC 229 wuxuuna hore ugu balan qaaday in uu wiilkiisa ciqaab iyo anshax maran ka badan maamulka UFC uu marin doono maadaama oo uu doonayay in ay si dhaqan iyo anshax fiican leh u galaan feedhiiyo lagdintii rasmiga ahayd ee UFC 229.

Laakiin Vladimir Putin ayaa markii uu qaabilay Khabib iyo aabihii waxa uu dalbaday in aabaha dhalay Khabib ee Abdulmanap aanu uu hoos u dhigo ciqaabta uu wiilkiisa u diyaariyay isaga oo ciqaab uu waalidkii kala kulmo ka door bidaya inuu guul wayn soo hooyay isla markaana uu nafta iskugu keenay ninka ree Britain ee Conor McGregor oo ay markii horeba Ruushka siyaasad ahaan labada dal ugu kala tagsanaayeen.

Maamulka UFC ayaa ganaax ku soo rogay Conor McGregor laakiin waxaa laga cabsi qabay in Khabib laftiisa ay saamayn ku yeelato oo guusha uu gaadhay lagala laabto maadaama oo uu dagaalka rabshada ah qayb ka ahaa isaga oo garaacay tababaraha McGregor ee Dillon Danis.

Inaanu aabaha dhalay Khabib ee Abdulmanap la kulmin madax waynaha Ruushka ee Vladimir Putin waxa uu sii sheegay in uu wiilkiisa Khabib ciqaabi doono wuxuuna yidhi: “Wax walba oo aad doonayso waad ka samayn kartaa Octagon (Goobtii dagaalkii McGregor), banaankeeda waxaa jooga carruur, dumar iyo dad isku dhaf ah, kooxdaydu markasta dhishbiliin ayay muujinayeen, sidaa daraadeed ganaaxayga Khabib waxa uu ka xoog badnaan doonaa kuwa UFC”.

Laakiin Vladimir Putin ayaa Abdulmanap ka dalbaday in aanu ciqaabin Khabib mar haddii uu guul ka soo hooyay dagaalkii uu la galay Conor McGregor isaga oo waliba Khabib iyo aabihii si heer sare ah u qaabilay isla markaana ugu hambalyey.

Si kastaba ha ahaatee, Khabib ayaa taageero aanu hore u lahayn ku helay qaabkii layaabka lahayd ee uu u bahdilay  Conor McGregor kaas oo intaanu dagaalku bilaamin wax xun ka sii sheegay Khabiib diintiisa maadaama oo uu Islaam yahay, wadankiisa iyo waliba qoyskiisa, laakiin Khabib ayaa cadhadiisa la sugay intii goobta dagaalka layskugu keenayay wuxuuna ku dhawaaday in uu nafta kaga gooyo.