Muxuu Kabtan Sergio Ramos Ka Yidhi In Kooxdiisa Real Madrid Ay Lasoo Saxeexatay Xiddigii Chelsea Ee Eden Hazard?

Kabtanka kooxda Real Madrid iyo xulka Spain ee Sergio Ramos ayaa markii ugu horreysay ka hadlay wax ku saabsan saxeexa cusub ee kooxdiisa ee Eden Hazard kaas oo ay maalmo kahor kala soo wareegeen Chelsea.

Hazard ayaa mudo dheer bar-tilmaameed usoo ahaa kooxda ree Spain waxaana uu sanadahaas isaga qudhiisu si aan gabasho lahayn saxaafada ula wadaagayay sida ay riyadiisu u tahay ka ciyaarista Estadio Santiago Bernabeu.

Ugu dambayn riyadaas ayaa rumawday waxaana uu Hazard Madrid ku biiray isaga oo darajada halyeeynimo kasoo gaadhay Chelsea isla markaana isagoo jamaahiirta Blues ay u sacabo tumayaan qaab ixtiraam leh kusoo sagootiyay.

Ramos oo haatan ku sugan qarankiisa Spain ayaa si weyn u amaanay Hazard oo uu ku sifeeyay mid kamid ah ciyaartoyda ugu wanaagsan dunida.

SIDOO KALE AKHRISO:  Real Madrid Oo Guul Wayn Ku Furatay Xili Ciyaareedka Cusub Ee La Liga, Luka Modric Oo Kaadhka Cas Loo Taagay Iyo Farxadii Uu Zidane Helay.

Kabtanka Los Blancos ayaa yidhi “Waan faraxsanahay, Waxaan filayaa inu yahay saxeex wanaagsan, Isagu waa ciyaartoy faa’ido leh mid kamid ah ciyaartoyda ugu sarreeya dunida wayna wanaagsantahay in safka lagu soo xoojiyo ciyaartoydan kuwaas oo wakhti calaamadiya, Cajiib ayay noo noqonaysaa”

Dhinaca kale Ramos ayaa ka hadlay sababtii uu dhawaan u qabtay shirkii jaraa’id ee uu ku go’aamiyay mustaqbalka kooxdiisa waxaana uu sheegay inay wanaagsanayd inaan mustaaqbalkiisa markale laga hadlin.

“Waxay ahayd inaan baxo oo aan saxaafada siiyo shir, Waxaan filayaa inay waxa ugu wanaagsan u ahayd qofkasta, Waxa muhiimka ahi waxa uu ahaa inaan bedelo boga oo aan laga hadal intaa wax ka badan”