Muxuu Ka Yidhi Pep Guardiola Xasuuqii Ay Ugu Geysteen Kooxda FC Basel Kulankii Xalay Ee Lugta 1-aad Wareega 16-ka Tartanka Champions League-ga?.

Macalinka kooxda Manchester City ee reer Spain Pep Guardiola ayaa wuxuu ka hadlay sida uu ugu faraxsan yahay guushii weyneed ay xalay ka gadheen kooxda FC Basel, kadib markii ay kusoo dubteen 4-0, kulankoodii lugta 1-aad wareega 16-ka tartanka Champions League-ga.

Manchester City ayaa shaqadii ugu badnayd sii qabsatay kulankii lugtii hore ee UEFA Champions League-ga wareegiisa 16ka kooxood kadib markii ay 4-0 ku soo xaaqday kooxda ree Switzeraland ee FC Basel. Kooxda Guardiola ayaa muujisay sida ay xili ciyaareedkan halis wayn ugu tahay koox kasta oo ay kaga hor timid afarta tartan ee ay qaybta ka tahay.

Ninka reer Spain horeyna u soo leeliyay kooxda Barcelona ee Pep Guardiola ayaa wuxuu kasoo muuqday shirkiisa jaraa’id kadib marka uu kulanka soo idlaaday wuxuuna yidhi: “Waa Natiijo cajiib ah, waxaan ku dhawaanay 10-kii daqiiqo hore ee ciyaarta aan la kulano guuldaro 2-0, laakiin nasiib wanaag waxaan ku guuleysanay in qeybta hore aan ku dhameysano 3-0 oo aan kaga hogaaminay FC Basel”.

Guardiola ayaa wuxuu hadalkiisa intaas kusii caray: “Umaan difaactamin si aad u wanaagsan, laakiin ugu dambeyn waan fiicneen waana guuleysanay, waana midaas waxa ugu muhiimsan, aad ayaana ugu faraxsanahay”.

47 jirkaan ayaa sidoo kale muujiyay aragtidiisa ku aadan in qaab ciyaareedkii wanaagsanaa ciyaartoyda FC Basel ay kusoo jireen uu saameyn ku yeeshay fasaxa jiilaalka, isla markaana arintan oo kale ay kusoo qabsatay marka uu joogay kooxda  Bayern Munich kahor inta uusan imaanin Manchester City.

Si kastaba hogaamiyaasha horyaalka Premier League ee xili ciyaareedkan ayaa ah mid ka mid ah kooxaha ugu cadcad ee loo saadaalinaayo in sanadan ay ku guuleysan karaan tartanka Champions League-ga, sidoo kale Paris St Germain iyo Barcelona.

1 Comment

Comments are closed.