Muxuu Ka Yidhi Pep Guardiola In Guushii Labaad Manchester City Ay Ka Gaadho Kooxda Napoli & Goolkii Taariikhiga Ahaa Uu Dhaliyay Sergio Aguero?.

Tababaraha kooxda Manchester City Pep Guardiola ayaa wuxuu ka hadlay kulankii Napoli ay guusha kaga soo gaadheen 3-2 ee ka tirsanaa kulamada 4aad xili ciyaareedkan tartanka Champions League-ga, xili uu ka war qabay in kooxda ree talyaani ay ka mid tahay kooxaha ugu dhibta badan yurub.

Pep Guardiola oo aanan qarsan sida uu ula dhacsan yahay qaab ciyaareedka kooxda ay wajaheen ee Napoli ayaa wuxuu yidhi: “Aad baan u faraxsanahay sababtoo ah waxaan si wanaagsan kaga war qabnaa cida ay tahay kooxda aan la ciyaarnay isla markaana aan ka guuleysanay, aad baan u jecleystay qaab ciyaareedka Napoli, 20kii daqiiqo ee ugu horeyay, sababtoo ah ma aanan la qabsan ciyaarta”.

Macalinka ree Spain ayaa wuxuu hadalkiisa intaa kusii daray: “Guuldaradii Napoli ee laba jeer aan kaga gaadhay laba isbuuc waa guul weyn oo muhiim ah, waxay u badan tahay inay ahaayeen kooxdii ugu fiicneyd ee aan la ciyaarnay”.

Guardiola  ayaa sidoo kale ka hadlayay goolkii taariikhiga ahaa ee xiddiga reer Argentine Sergio Aguero wuxuuna yidhi “Hambalyo diiran ayaan u dirayaa waa halyeeyga kooxda, waa inuu dareemaa farxad, sababtoo ah wuxuu gaadhay guul muhiim ah”.

Goolka uu Sergio Aguero ka dhaliyay kulankan ayaa noqtay xidigii abid goolasha ugu badan ka soo dhaliyay taariikhda Manchester City. Xidiga ree Agentina ayaa magiciisa si buuxda ugu qoray taariikhda Sky Blues.

Si kastaba Man City ayaa u soo baxday wareega 16 ka kooxood ee Champions Leaque waxayna noqotay kooxdii labaad ee Premier leaque ka ciyaarta ee wareegan u soo gudubtay iyada oo la mid noqotay Tottenham oo Real Madrid guul wayn ka gaadhay si ay ugu soo baxdo wareega 16 ka kooxood ee UCL.

Comments

comments