Muxuu Ka Yidhi Macalinka Manchester United Ee Jose Mourinho Guuldarada Xulka England Kasoo Gaartay Croatia Kulankii Afar Dhamaadka Koobka Aduunka 2018?.

Macalinka kooxda Manchester United Jose Mourinho ayaa sheegay in shacabka reer England ay dareemaan farxad iyo rajo aad u wanaagsan, inkastoo uu xulkooda isaga haray koobka aduunka 2018 ee haatan ka socda dalka Russia.

Xulka qaranka England ayaa guuldaro xanuun badan kala kulmay dhigiisa Croatia,kulankii ay ku wada ciyaareen wareega afar dhamaadka koobka aduunka 2018, kadib markii loogu awood sheegtay 2-1, taasoo suuragalisay in Croatia ay markii ugu horeesay taareekhda ay gaartay kulan final ee koob aduun ah.

Hadab kadib marka ay ciyaarta soo idlaatay Jose Mourinho ayaa kala hadlay shabakada “Sky Sports” ee dalka England: “Waxaa jirta sabab ay England ku ooyi karaan, sababtoo ah waxay ku dhawaadeen in u gudbaan kulanka finalka koobka aduunka , sidoo kale waxaan aamisanahay inay jirto rajo”.

Jose Mourinho ayaa wuxuu hadalkiisa intaas kusii daray: “Wax badan ayaa iska badalay kooxda marka loo fiiriyo sanadihii lasoo dhaafay, waa koox ka kooban jiil da’ayar ah, ciyaartoyda intooda badan waxay ka ciyaari doonaan Koobka Aduunka soo aadan iyagoo leh khibrad badan”.

Dhnaca kale Mourinho ayaa ka hadlay mustaqbalka Gareth Southgate kadib markii ay ka hareen koobka aduunka 2018 wuxuuna yidhi: “Hadii aan ahaan lahaa mas’uul ka tirsan xidhiidhka kubada cagta ee dalka England, ma jiri lahayn wax shaki ah ee ku aadan mustaqbalka Southgate, waxaana siin lahaa fursad uu xulka ku leylin doono ilaa iyo koobka aduunka soo aadan”.

“Ciyaartoyda, kooxda iyo dhamaan inta kaga qeyb gashay Koobka Aduunka ayaa heysta sabab ay ugu laaban karaan dalkooda, iyagoo dareensan sharaf weyn kuna faanaya waxay sameeyeen, kadib markii ay wax walba u qabteen dalkooda”.

Macalinka kooxda Manchester United Jose Mourinho ayaa hadalkiisa kusoo xidhay: “Inkastoo ay guuldaro soo gaartay hadana England waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan”.