Muxuu Ka Yidhi Laacibka Reer England Ee Jack Wilshere Kulanka Uu Kooxdiisa Hore Ee Arsenal Kaga Hor Imaan Doono Horyaalka Premier League?.

Jack Wilshere ayaa isku diyaarinaya xilli ciyaareedka cusub uu la qaadan doono kooxda West Ham United ka dib markii uu ka tagay Arsenal, ka dib sanado badan uu ku sugnaa Emirates Stadium.

Xidiga khadka dhexe reer England ayaa ku dhawaaday inuu ka dhaqaaqo horyaalka dalka England ee Premier League, sababa la xidhiidha inuu dalabyo xoogan ka helay kooxaha ka dhisan qaar ee horyaalada kale, hadana laacibkii hore ee Guuners ayaa aqbalay heshiiska uu ugu dhaqaaqay West Ham United, si uu u sii joogo Premier League.

Jack Wilshere ayaa kahor inta uusan bilaawan xili ciyaareedka cusub ka hadlay kooxdiisii hore ee Arenal wuxuuna yidhi: “Waa wax cajiib ah marka aan dib ugu laabto Emirates Stadium kulankeena seddexaad aan la ciyaari doono Arsenal, laakiin waxaan isku dayaa inaan ka soo kabsado si aan diirada u saaro kooxdeyda”.

Wilshere ayaa wuxuu hadalkiisa intaas kusii daray: “Ma awoodi doono inaan kuu hor dabaaldego taageerayaasha kooxda Arsenal, hadii aan gool dhaliyo waxaan hoos geyn doonaa madaxeyga, si ay farxad u dareemaan, laakiin ma dabaaldegi doono”.

Taas bedelkeeda, Wilshere ayaa ka mid ahaa ciyaartoydii ugu muhiimsanaa ee macalinkii hore Gunners Arsene Wenger, laakiin wuxuu ka tagay Emirates Stadium kadib bixitaanka macalinka reer France, maadaama Unai Emery uusan diyaar u ahayn inuu qeyb ka noqdo qorshaha kooxdiisa.