Muxuu Jurgen Klopp Ka Yidhi In Garsoore Dumar Ahi Ay Dhex Dhexaadin Doonto Kulanka Finalka UEFA Super Cup?

Tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa wax laga waydiiyay aragtidiisa ku aadan in markii ugu horaysay ay UEFA garsoore dumar ah u magacowday finalka UEFA Super Cup.

Xidhiidhka kubbada cagta Yurub ee UEFA ayaa qaatay go’aan qariib ah kadib markii ay gabadha garsooraha ah ee  Stephanie Frappart u doorteen in ay dhex dhexaadiso finalka UEFA ASuper Cup ee kooxaha Liverpool iyo Chelsea.

Gabadha reer France ee  Stephanie Frappart ayaa gali doonta taariikhda kubbada cagta Yurub waxayna noqon doontaa garsoorihii dumar ahayd ee ugu horaysay oo lagu aaminay kulan final ah ama sidan oo kale muhiim u ah.

Jurgen Klopp ayaa si wayn u soo dhaweeyay in ugu danbayn ay gabadh garsoore ahi dhex dhexaadin doonto kulan final ah isaga oo ku dooday in uu waji fiican tusi doono isla markaana aanu hooyadii kaga cadhaysiin doonin uu gabadhan garsooraha ah cadaadis saaro.

Klopp oo ka jawaabaya su’aasha laga waydiiyay garsooraha dumarka ah ee  Stephanie Frappart ee qaban doonta finalka UEFA Super Cup ayaa yidhi: “Ugu danbayn, waxaan filayaa in ay waqtigeedii tahay. Anigu waxaan khibrad ugu soo yeeshay Germany”.

“Xaqiiqdii waan ku faraxsanahay in aanu waqtigan taariikhiga ah qayb ka ahaano,waa go’aan qurux badan in ugu danbayn aan haysano garsoore haween ah ee kulan aad iyo aad muhiim u ah” ayuu Klopp hadalkiisa sii raaciyay.

Klopp oo ka hadlaya qaabka uu garsoorahan ula dhaqmi doono ayaa yidhi: “Xaqiiqdii waxaan hubaa in aan isku dayi doono in aanan wax adag oo badan ka samayn ciyaarta ee sida ay garsoorka ku tahay, wajigayga ugu fiican ayaan tusi doonaa haddii ay suurtogal noqoto, haddii kale hooyaday ayaa cadhoon karta!”.

Laakiin Jurgen Klopp ayaa rajaynaya in ayna noqon markii ugu danbaysay ee ay garsoore haween ahi qabto kulan muhiim ah wuxuuna yidhi: ‘Waxaan rajaynayaa in ayna noqon midkii ugu danbeeyay, intaas ayaa ah wax aan sheegi karo”.