Muxuu Jose Mourinho Kaga Jawaab Celiyay Wararka Sheegaya Inuu Teleefan Kula Sheekaystay Zinadine Zidane? Special One Oo Qaab Xeeladaysan Isku Dhaafiyay Su’aashan Miisaanka Leh.

Tababaraha kooxda Manchester United ee Jose Mourinho ayaa dhex dabaalanaya maalmo adag oo uu ku qaadanayo kooxdiisa haatan, Mourinho ayaa booskiisa u cabsi qaba maadaama oo ay jiraan warar si joogto ah iskaga daba imaanaya oo jagadiisa shaqsiyaad kale la xidhiidhinaya.

Tababarihii hore ee kooxda Real Madrid ee Zinadine Zidane ayaa u muuqda shaqsiga werwerka ugu badan ku abuuraya tababaraha ree Portugal maadaama oo uu yahay tababaraha ugu wacan ee wakhti xaadirkan la heli karo sidoo kalena sida aadka ah loola xidhiidhinayo booska Old Trafford.

Wargeyska ree England ee The Sun ayaa shaaciyay in Zidane oo ku sugan magaalada London uu taleefan u diray Jose si uu uga codsado inuu shaqadan u fududeeyo haddiiba ay banaanaato.

Haddaba, Mourinho ayaa qaab xeeladaysan oo siyaasad weyni ka muuqato isku weydaariyay su’aasha ah haddii uu taleefan ka helay Zizou, 55 jirkan ayaa wariye ree Spain ah oo su’aashan weydiiyay u tilmaamay isla weriye kale oo ka socda waregeyska sheekadan faafiyay ee The Sun isaga oo u sheegay inuu weydiiyo weriyahaas.

Mourinho ayaa yidhi markii su’aashaas la hor dhigay “Weydii ninka kaa dambeeya, Isaga ayaa qoray sheekada”

Intaa kaddib weriyaha uu Mou su’aashan ku jeediyay ayaan qudhiisu hawl yaraysan kaddib markii uu isla qolka dhexdiisa si cad ugu sheegay in Mourinho uu wicitaan ka helay Zidane waxaana uu yidhi wariyahan matalayay The Sun “Haa wuu la hadlay”

Si kastaba ha ahaatee, Xaalada Red Devils ayaa qalalaase isku beddeli doonta haddii ay natiijo aan haboonayn ka hesho kooxda Valencia oo dhawaan Old Trafford kula ciyaari doonta kulan ka tirsan Champions League.