Muxuu Isco Ka Yidhi Inuu Wakhtigii Adkaa Ka Baxayo Oo Uu Shaqada Tababarenimo Ee Kooxda Kusoo Laabtay Halyeey Zinadine Zidane?

Khadka dhexe ee kooxda Real Madrid ee Isco ayaa ka hadlay soo laabashada tababarihii hore ee kooxda ee Zinadine Zidane kaas oo bedelay tababarihii toddobaadka waji gabaxa ah soo qaatay ee Santiago Solari.

Isco oo ka hadlayay munaasibad kubadda cagta ah oo ay sii agaasintay shirkada Adidas isla markaana loogu magac daray “Tango League” ayuu ka hadlay soo laabashada Zizou.

Isco ayaa sheegay inay wax fiicantahay inuu soo laabtay Zidane waliba wakhtiga sidan u adag isla markaana ay rajaynayaan inuu caawin doono oo ay guulo ku gaadhi doonaan garoonka dhexdiisa.

Xiddiga dhalasho ahaan kasoo jeeda Malaga ayaa yidhi “Dhammaanteen waanu garanaynaa isaga, Ka ciyaartoy ahaan Madrid waxa uu u ahaa mid cajiib ah, Ka tababare ahaan waxa uu ku guuleystay waxkasta, Waa war fiican qofkasta inuu kusoo laabtay Madrid”

“Wax badan ayay sheegaysaa inuu isago soo laabtay daqiiqad sidan u adag, Waxaan rajaynayaa inuu nagu caawin karo inaan soo kacno si aan u gaadhno wadada guusha”

“Waxaanu isku dayi doonaa inaan guuleysano kulamada inta hadhay, La Liga waa horyaal aad u adag laakiin waa inaanu helno dhibacaha ugu badan ee ugu macquulsan anaga oo soo yaraynayna masaafada (Noo dhaxaysa kuwa naga sarreeya), Maanta laga bilaabo isbedelku waxa uu u bilaabmayaa xilli ciyaareedka xiga”

Los Blancos ayaa haatan ka dambeeya 12 dhibcood kooxda hoggaanka La Liga haysa ee Barcelona waxaana ay toddoba dhibcood ka dambeeyaan kooxda booska labaad ee Atletico Madrid.

Si kastaba ha ahaatee, Iyadoo ay kaliya 11 kulan ka hadheen horyaalka ayay u dagaalami doonaan sidii ay ugu yaraan usoo koobi lahaayeen farqiga dhibcaha ah.