Muxuu Goolhaye Thibaut Courtois Ku Jawaabay Markii Wax Laga Waydiiyay Hadaladii Uu Kooxdiisa Cusub Ee Real Madrid Ku Af-lagaadeeyay Afar Sano Kahor Markii Uu Ka Tirsanaa Atletico Madrid.

Goolhaye Thibaut Courtois ayaa si naxdin leh loo xasuusiyay hadal uusan filanayn inuu maalin uun lid ku noqon doono kaddib markii mid kamid ah jamaahiirta kooxdiisii hore ee Atletico Madrid uu soo bandhigay muuqaal yar oo uu Thibaut Courtois ku af-lagaadaynayo Real Madrid.

Thibaut Courtois ayaa sanado kooban balse uu dunida si weyn isku baray kusoo qaatay caasimada Madrid gaar ahaan kooxda Atletico Madrid oo loo aqoonsan yahay inay tahay mida ka dambaysa horumarka goolhayaha ree Belgium.

Haddaba goolhaye Thibaut Courtois ayaa wax laga weydiiyay dhacdadaas uu sameeyay sanado kahor kaddib markii uu xilli ciyaareed aad u qurux badan lasoo qaatay kooxda Diego Simeone oo hal xilli ciyaareed ku qabatay shaqo weyn kaddib markii ay gacanta kuwada dhigi gaadhay koobabka La Liga & UEFA Champions League sanadkii 2014.

Courtois oo dib u milicsanaya dhacdadaas ayaa ku andacooday inuu wakhtigaas ahaa wiil yar balse uu haatan yahay mid qaan gaadh ah oo naftiisa maamulka, Dhinaca kale waxa uu sheegay inuu dalbanayo cafis.

Goolhayaha ayaa hadalkiisa ku bilaabay “Wakhtigaas waxaan ahaa mid aad u yar, Wakhtigan aniga naftayda socodsiiya laakiin waxaan weydiisanayaa cafis mana aha mid aniga dhaqankeyga ah, Waxaan waxkasta siin doonaa difaacida Madrid”

Goolhaye Thibaut Courtois ayaa haatan isku dayaya inuu booska safka koowaad ee tababare Julen Lopetegui xaqiijisto isla markaana uu meesha ka saaro goolhayaha aan kooxda laga jeclayn balse dadaalka badan bixiya ee Keylor Navas.

Loolanka ugu horreeya ee ay labadan goolhaye gali doonaan ayaa dhici doona 15-ka bishan August markaas oo ay Real Madrid Final-ka UEFA Super Cup la ciyaari doonaan kooxda Atletico Madrid labadan goolhaye midka kusoo bilawda ayaana noqon doona midka ku guulaystay loolanka koowaad.