Muxuu Goolhaye David De Gea Ka Yidhi Shakiga Maalmihii Ugu Dambeeyay Hadheeyay Mustaqbalkiisa & Qandaraaskiisa Manchester United?

Goolhayaha kooxda Manchester United ee David De Gea oo malmihii ugu dambeeyay warar kala duwan laga qorayay mustaqbalkiisa United ayaa markii ugu horreysay ka hadlay wararkaas iyo arrimo ku saabsan qandaraaskiisa uu kula jiro kooxda.

Heshiiska goolhayaha ree Spain uu ku joogo gegida Old Trafford ayaa ah mid ku eeg dhammaadka xilli ciyaareedkan walow ay kooxdu dookh u leedahay inay hal sano oo kale ku kordhiso qandaraaskiisa kooxda.

Haddaba, Goolhaye DDG ayaa iska diiday inuu la falgalo wararkaas isaga oo sheegay inuu kaliya diirada saarayo kooxdiisa oo uu sheegay inay kulamo muhiim ahi fooda kusoo hayaan dhawaan.

27 Jirkan ayaa yidhi “Muhiimadu waa kooxda dhammaanteena waxaan diirada saaraynaa wixii ay ahayd inaan diirada saarno taas oo ah guulaysiga kulamadii halkii laga hadli lahaa qandaraasyada iyo qodob kasta kaas oo carqalad samayn kara, Muhiimadu waa in diirada la saaro kubadda cagta”

“Waxaan kulan muhiim ah la leenahay Everton, waxaanan kulamo waaweyn leenahay bilaha soo socda, Waxaan filayaa in midaasi tahay muhiimada halkii laga fikiri lahaa waxkale”

Dhinaca kale David ayaa markale ku celiyay inuu kooxdiisa ku faraxsan yahay isaga oo sheegay inuu halkan mudo dheer joogay markastana uu wanaag ka dareemo jamaahiirta.

“Waxaan halkan joogay xilli ciyaareedyo badan, Sidaa aan sheegay waxaan halkan joogaa siddeed xilli ciyaareed, Aad ayaan ugu faraxsanahay halkan waxaanan markasta soo dhawayn diiran ka helaa taageerayasha iyo qof kasta oo ka shaqeeya kooxda”