Goolhayihii Fashilmay Ee Loris Karius Oo Fariin Qiiro Leh La Wadaagay Kooxdii Uu Koobka Champions League Hore Uga Qasaariyay Ee Liverpool

Liverpool ayaa guul weyn kusoo xidhatay xilli ciyaareedkan 2018-19 waxaana ay guul 2-0 ah kaga talaabsadeen kooxda Tottenham kaddib goolal ka kala yimid Divock Origi iyo Mohamed Salah.

Goolhayaha ree Germany ee Loris Karius oo sabab u ahaa in Liverpool ay weyday tartanka UEFA Champions League xilli ciyaareedkii hore ayaa markan hambalyo usoo diray kaddib hanashadeeda koobka.

Karius ayaa haatanba ah ciyaartoy Liverpool ah balse wuxuusan kamid ahayn safkii kooxda ee tartanka ku guuleystay waxaana uu heshiis amaah ah oo laba sano ah ku joogaa kooxda ree Turkey ee Besiktas.

Goolhayahan ayaa sababta ugu weyn ku lahaa in kooxda Jurgen Klopp ay xilli ciyaareedkii hore ku hor kuftay kooxa Real Madrid oo koobka 3-1 kaga qaaday.

Karius ayaa qalad cadaan ah kulahaa laba gool waxaana ugu horreeyay goolkii furitaanka ee Karim Benzema iyo waliba midkii saddexaad ee Karim Benzema.

Liverpool ayaa wakhtigaas kaddib lasoo saxeexatay Alisson Becker waxaana uu noqday shaqsi door weyn ka qaatay horumarka kooxda Jurgen Klopp ee xilli ciyaareedkan isaga oo waliba noqday xiddigii kulankii xalay ugu fiicnaa.

Si kastaba, Karius ayaysan haatan wakhti badan ku qaadan u hambalyaynta Reds wuxuuna ku sifeeyay kuwo u qalmay koobka isaga oo adeegsanaya bartiisa Twitter-ka.

Loris ayaa bartiisa Twitter-ka kusoo daabacay “Hambalyo @LFC, Dhab ahaantii waan ku faraxsanahay qofkasta oo kooxda jooga iyo jamaahiirta, Waad u qalanteen”