Muxuu Da’yarka Ree France Ee Kylian Mbappe Ku Jawaabay Kaddib Markii Wax Laga Waydiiyay Haddii Uu Cristiano Ronaldo Iyo Lionel Messi Kaga Guuleysan Doono Abaalmarinta Ballon D’or

Da’yarka xulka qaranka France ayaa wax laga waydiiyay haddii uu Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi kaga guuleysan karo abaalmarinta xiddiga sanadka ee ballon d’or oo ay labada xiddig si joogto ah usoo hananayeen tobankii sano ee u dambeeyay iyaga oo min 5 jeer soo hantay abaalmarintaas.

Kylian Mbappe waxa uu xili ciyaareed fiican lasoo qaatay kooxdiisa Paris Saint-Germain isaga oo kulasoo guulaysay dhammaan koobabka maxaliga ah waxaana uu haatan Final-ka koobka aduunka la gaadhay xulkiisa France ee ku sugan dalka Ruushka isaga oo xubin muhiim ah ka ahaa xiddigaha dalkiisa u matalaya tartankaas.

Haddaba Kylian oo ay dad badani u arkaan inuu isagoo da’yar hanan karo abaalmarinta xiddiga sanadka isla markaana uusoo afjari karo tartanka 10 sano jirsaday ee usoo dhaxeeyay Ronaldo iyo Messi ayaa wax laga waydiiyay haddii uu xiddigahaas ka qaadi karo abaalmarintaas balse waxa uu ku jawaabay inuu kaliya u baahan yahay koobka aduunka maadama oo uusan ifka joogin markii ugu dambaysay ee Les Bleus hanteen koobkanoo ahayd sanadkii 1998.

Mbappe ayaa hadalkiisa ku bilaabay “Anigu inyarna ma danaynayo wax arrintaas ku saabsan (Ballon d’or), Waxaan dhashay 1998 sidaa darteed maan arag dadka oo ku dabaaldagaya Champs-Elysees, Waxaan bixin doonaa waxkasta kulankan Final-ka ah waxaan u dili doonaa nafaheena si aan u dhammaystirno shaqada”

Ugu dambayn, Kylian Mbappe oo ah da’yar sida duufaanta u qabsaday qaarada Yurub labadii sano ee u dambeeyay ayaa sidoo kale lala xidhiidhinayaa kooxda Real Madrid si uu u buuxiyo booskii Cristiano Ronaldo oo dhawaan ku biiray kooxda Juventus, Los Blancos ayaana xiddigan ku heli karta inta u dhaxaysa 270 ilaa 350 Milyan.