Muxuu Ahaa Dhawaaqii Niyad-jabiyey Arsenal Ee Qabsaday Stamford Bridge Ka Hor Aanay Bilaabmin Ciyaartii Ay Xalay Barbarraha Lasoo Galeen Chelsea?

Advertisements

Arsenal ayaa xalay hal dhibic kasoo heshay garoonka Stamford Bridge ee magaalada London, halkaas oo barbarro 2-2 ah ay kula soo gashay Chelsea ciyaar musalsal oo kale ahayd.

Gunners waxa daqiiqaddii 28aad laga saaray David Luiz oo kaadh cas ku qaatay weeraryahanka Tammy Abraham xilli uu isku dayayey inuu goolka ka difaaco kubad uu si qalad ah u bixiyey Mustafi, waxaana halkaas ay Blues ku heshay rikoodhe iyo Arsenal oo laacib laga saaray.

Inkasta oo ay 10 ciyaartoy ahayd, haddana Arsenal waxay heshay goolka barbarraha qaybtii labaad, mid kale oo ciyaarta oo sii dhamaanaysa laga dhaliyeyna way ka daba keentay, ugu dambayna waxay hoygeeda kula laabatay hal dhibic.

Ka hor intii aanay ciyaartaasi bilaabmin, waxa garoonka Stamford Bridge marba dhinac u fiirinayey David Luiz maadaama uu waqti badan kusoo qaatay Chelsea, ka hor intii aanu ku biirin Arsenal, waxaanay u ahaydd xasuus iyo taageereyaashii beryaha qaarkood jeclaa oo uu waajahayey.

Markii ay ciyaartoygu garoonka soo galeen, waxa mar kaliya dhamaan garoonka is qabsaday dhawaaqa ereyo niyad jabiyey Arsenal oo dhinac walba kasoo yeedhayey, waxaana lagu bartilmaameedsanayey David Luiz oo ay jamaahiirta Blues si xun dhulka ula dhacayeen.

Taageereyaasha Chelsea ayaa ku dhowaaqayey “David Luiz annaga ayuu noo ciyaarayaa”, taas oo ay ula jeedeen inuu yahay ciyaartoy ay tayadiisu liidato oo ay goolal si fudud ugaga dhalin karaan.

Dhawaaqa jamaahiirta Blues ayaa u muuqday inuu rumoobay markii kaadhka cas loo taagay David Luiz, waxaanay isku dareen qosol iyo sacab, iyadoo kaamirooyinkii garoonka ku xidhnaana ay si toos ah usoo gudbiyeen taageereyaal badan oo dhoola-caddaynaya.

Si kastaba ha ahaatee, David Luiz waxay u ahayd habeen adag oo uu ku laabtay garoonkii laga jeclaa, kalana soo noqday casaan.

Advertisements