Muxuu Agaasimaha PSG Ka Yiri Dalabyadii Ugu Danbeeyay Ee La Sheegay Inay Barcelona Ka Gudbisay Neymar?

Agaasimaha kooxda Paris Saint-Germain Leonardo ayaa ku adkeystay in PSG ayasan weli wax dalab ka helin kooxda Barcelona oo ku aadan weeraryahanka reer Brazil Neymar.

Xiddiga reer Brazil ayaa doonaya inuu ku laabto garoonka Camp Nou xagaagan, laakiin dhaqaalaha ku baxaya heshiiska ayaa ka dhigaya mid ay adag tahay inuu si dhaqso ah ku dhaqan galo.

“Ma jiraan wax cusub oo soo kordhay tan iyo markii ugu danbeysay ee aan hadalnay.. wax soo kordhay haba yaraatee ma jiraan” ayuu agaasimaha isboortiga PSG Leonardo u sheegay jariirada Faransiiska ee Le Parisien.

“Waxba iska bedelin xaalada ciyaaryahanka, mana jiraan dalab sax ah oo laga soo gudbiyay Neymar.

SIDOO KALE AKHRISO:  Waa Kuma Xiddiga Man United Ee Gool Kasta Uu Dhaliyay Uu Qiimihiisa Yahay 8.2 Milyan Haatana Amaah Ku Baxaya?

“Neymar anaga ayuu nala joogaa, waa ciyaaryahan PSG ah.”

Maalmihii u danbeeyay waxaa soo baxayay warar ku saabsan dalabto isdaba joog ah oo ay gudbisay kooxda Barcelona.

Jariirada Faransiiska ee L’Equipe ayaa shaacisay in PSG ay soo diiday dalab 40 milyan euro ah oo ay la socdeen xiddigaha Ivan Rakitic iyo Philippe Coutinho.

Shalay hilinka Sky Sports qeybtiisa Jarmalka la hadasha ayaa iyagana sheegay in dalab kale oo gaaraya 90 milyan ginni iyo labo ciyaartoy oo ay PSG ka dhex xulaneyso liiska lix xiddig inay gudbiyeen.

Liiska lixda xiddig ee laga dhex xulanayo labada ciyaaryahan waxa ay kala yihiin: Philippe Coutinho, Ousmane Dembele, Ivan Rakitic, Nelson Semedo, Umtiti iyo Malcom.