Muuqaalka Dabaal Degyadii Ajax & Man City Ee Horyaalada Oo Lays Barbar Dhigay Iyo Farqi Layaableh Oo Ka Soo Baxay.

Muuqaalka dabaal degyadii kooxaha Manchester City iyo Ajax ee horyaalada ay ku guulaysteen oo farqi wayn laga dareemay.

Kooxaha Man City iyo Ajax ayaa maalmihii la soo dhaafay ku jiray u dabaal dega koobabka horyaalada England iyo Netherlands.

Man City ayaa hal dhibic koobka Premier league kaga qaaday Man City halka Ajax ay koobka horyaalka Holland si xamaasad leh ay uga hor qaaday kooxda PSV.

Dabaal degii Man City ee Premier League
Dabaal degii Man City ee Premier League

Laakiin waxaa jira farqi wayn oo laga dareemay qaabkii ay labada kooxood ugu dabaal degeen koobankii ay sida cajiibka ah ugu soo dagaalameen xili ciyaareedkan.

Muuqaal baraha bulshada lagu wadaagay isla markaana ay qaar warbaahinta ka mid ahi warar ka sameeyeen ayaa muujinaya sida ay Ajax heer layaab leh ugu dabaal degtay koobka marka loo barbar dhigo Man City oo xamaasad la’aan koobka ku qaabisay.

Muuqaalka ayaa laysku barbar dhigay qaabkii ay ciyaartoyda iyo taageerayaasha Manchester City iyo Ajax uga falceliyeen koobabka horyaalada ay ku soo guulaysteen.

Muuqaalka ayaa ku bilaamaya Manchester City oo koobka Premier league sare u qaadaysa oo cod aad u hooseeya ay ciyaartoyda iyo jamaahiirtu ku qaabilayaan.

Waxaana muuqaalka qaybtiisa labaad ka soo baxaysa Ajax oo koobka horyaalka Holland sare u qaadaysa oo sawaxan waali ah lagu qaabilayo isla markaana ay jamaahiirta iyo ciyaartoydu ay cod dheer ku heesayaan.

Ma aha markii ugu horaysay ee jamaahiirta Man City loogu duur xulo xamaasad la’aan balse xataa Pep Guardiola ayaa waqtiyo cabasho ka muujiyay heerka xamaasada iyo garoon buuxda taageerayaasha kooxdiisa City.

Dabaal Degii Ajax ee horyaalka Holland

Haddaba halkan ka daawo oo dareen farqiga u dhexeeya qaabkii ay Man City iyo Ajax ku qaabileen koobabka horyaalada ay hanteen.


Qaar ka mid ah taageerayaasha kubbada cagta ayaa Man City ugu maadsaday sida ay uga xamaasad hoosaysay kooxda Ajax.

1 Comment

  1. KOOX AFARTII KOOB EE ENGLAND WADA QAADAY HAL KOOB OO KAMID AH UMA MALAYNAYO INAY LA DABAALDAG NOQONAYSO KOOX HALKOOB KU GUULEYSATAY.

    MIDA LABAAD SIDEE WAX UGA SHEEGEYSAA KOOX AFARTII KOOBA JEEBKA GASHATAY OO EGLAND LOOGA KALA CARARAY SANNADKAN MISE SIDA TAAGEERAYAASHA LFC AYAAD MA XISHOODAYAAL 40SANO INDHA-ADAYG KUBBADA CAGTA LA DHEX SOCOTAAN.

    =CAADIYAN KOOXDA EPL KA KU GUULEYSATA FADHIGA AYAA LOOGA KACAA TAAGNIBAADA SALAAN IYO SACAB LAYSUGU DARAA,

Comments are closed.