MUUQAAL: Taageerayaasha Liverpool & Tottenham Oo Arin Qariib Ah Si Wada Jir Ah U Sameeyay.

Magaalada caasimada dalka Spain ee Madrid ayaa la ciir ciiraysa kumanyaal taageerayaasha kooxaha Liverpool iyo Tottenham ah oo maalimihii ugu danbeeyay si wayn ugu qulqulayay si ay iskugu diyaariyaan finalka Champions League.

Jamaahiirta kooxaha Liverpool iyo Totttenham ayaa saacadaha tirsanaya waxayna banaanada Madrid ku samaynayaan dhoolo tus ka hor inta ayna caawa soo galin garoonka loo bilay marti galinta finalka Champions League.

Laakiin waxaa soo baxay muuqaal qariib ah oo ay adag tahay in lagu arko taageerayaal ay kooxahoodu finalka Champions league wada ciyaarayaan oo si wada jir ah u samaynaya waana arin ay hadda sameeyeen taageerayaasha Liverpool iyo Tottenham.

SIDOO KALE AKHRISO:  MURUGO: Waa Kuwee Shaqsiyaadkii Ay Jamaahiirta Chelsea Ku Karbaasheen Baraha Bulshada Ee Kadib Barbarihii Leicester City?

Inta badan waxaa loo bartay in taageerayaasha kooxaha Finalka Champions league iskaga hor imanayaa ay colaad iyo aflagaado isku gaystaan, isla markaana booliis badan la kala dhex dhigo marka ay garoonka soo galaan.

Laakiin sida aad ka daawan doonto muuqaalka hoose, waxay taageerayaasha kooxaha Liverpool iyo Tottenham sameeyeen arin saaxiibtinimo iyo ixtiraam wayni ka muuqdo iyaga oo hal goob iskugu yimid isla markaana si wada jir ah u heesaya.

Taageerayaasha Liverpool iyo Tottenham ayaa ixtiraam layaableh isku muujiyay waxayna si wada jir ah ugu heesayaan dariiqyada Madrid iyaga oo waliba aan xataa wax dhibaato ah u arkin in ay hal koob si farxad leh ugu sugayaan finalka Champions league.

SIDOO KALE AKHRISO:  QISHKII UGU WEYNAA: Ciyaartoyga Ku Guuleystay Abaalmarinta Xiddiga Yurub Ee Sanadkan Oo Qarsoodi Loo Helay & Dhibcaha La Kala Helay - Messi, Van Dijk Mise Cristiano Ronaldo?

Haddii hore loo arki jiray taageerayaasha laba kooxood oo tartan wayn wada ciyaaraya oo dariiqyada isku baacsanaya isla markaana dhibaato isku gaysanaya waxaad halkan ka arki kartaa arin gabi ahaanba ka duwan.

Taageerayaasha mayalka adag ee Liverpool ayaa awooday in ay dhigooda Tottenham ku soo jiiteen heestooda caanka ah waxaana baraha bulshada soo galay muuqaalka qariibka ah ee ay wada heesayaan.

Haddaba halkan ka daawo muuqaalka ay taageerayaasha kooxaha Tottenham iyo Liverpool ku heesayaan ee ay dareenka ku qabsadeen.

Booliiska magaalada Madrid ee marti galinaysa finalka Champions league ayaa digniin u diray taageerayaasha kooxaha Liverpool iyo Tottenham iyada oo ay soo baxeen kooxo budhcad ah oo ku soo labistay dirayska booliiska kuwaas oo dhacaya tikidhada lagu galayo finalka Champions league.