MUUQAAL: Kaliya Kuma Koobna Orodyahan Balse Sidoo Kale Waa Weeraryahan Dilaa Ah – Orodyahan Usain Bolt Oo Dunida Ka Yaabsaday Kulankiisii Ugu Horreeyay Ee Tartan Ah Ee Kubadda Cagta.

Orodyahanka caanka ah ee ree Jamaica ee Usain Bolt ayaa dunida tusay sida uusan u ahayn kaliya orodyahan balse uu sidoo kale u yahay weeraryahan buuxa kaddib markii uu wacdaro ka dhigay kulankiisii ugu horreeyay ee rasmi ah ee kubadda cagta.

Bolt oo taageere weyn u ah kooxda ree England ee Manchester United ayaa dhawaan tababaro la qaatay kooxda Borussia Dortmund isaga oo ku hamiyay inuu galo kubadda cagta caalamka waxaana uu u muuqdaa mid haatan ka sal gaadhay qayb kamid ah riyadaasi.

Bolt oo u ciyaarayay kooxda Central Coast Marines ayaa ka yaabsaday dunida daqiiqadii 55-aad ee kulankii ay ka hortageen kooxda Macarthur South West waxaana uu sida weeraryahanada ree Yurub shabaqa ugu hubsaday kubad uu geeska goolka kasoo tuuray.

Toban daqiiqo kaddib goolkiisa hore, Usain markale waxa uu awooday inuu gaadho shabaqa kooxdii kasoo hor jeeday isaga oo ka faa’idaystay khalad ka dhex dhacay daafaca iyo goolhayaha kooxdaas.

Goolkii koowaad ee Bolt ee kulankan:


Goolkii labaad ee Bolt ee kulankan: