Mustaqbalka David De Gea Oo Markale Cirka Galay & Koox Aan Hore Saxeexiisa Loola Xidhiidhin Jirin Oo Lagu Sheegay Kooxda Uu Mustaqbalka Ku Biiri Doono.

Mustaqbalka goolhayaha Manchester United ee David De Gea ayaa u muuqda mid markale cirka ku shareeran waxaana haatan si weyn loola xidhiidhiyay koox aan xataa hore hal mar loosoo hadal qaadin inuu ku biiri doono.

Wargeyska The Ties ayaa helay xog cusub oo layaab noqotay kaddib markii mid kamid ah shaqsiyaadka ku dhaw dhaw Man United uu u sheegay in kooxda Juventus oo toddobaadkan ay United wada dheeleen ay tahay kooxda mustaqbalka goolhayaha ree Spain.

Shaqsigan oo u warramaya The Times ayaa yidhi “De Gea waxa uu kahor tagay kooxdiisa mustaqbalka Salaasadii, Juve khabiir ayay ku tahay heshiisyada maskaxiyanka ah, Haddii aysan United iibin isaga xagaaga Juventus waxay sugi doontaa ilaa dhammaadka qandaraaskiisa”

De Gea oo uu qandaraaskiisu dhacayo xagaaga dambe ayaa haysta fursad uu hal sano oo dheeraad ah ugu darsanayo balse haddiiba uu qaab xor ah kaga hayaamo Old Trafford waxa ay dhibaato weyn ku noqon doontaa kooxda maadaama oo uu fure u ahaa tan iyo bixitaankii Sir Alex Ferguson.

Dhinaca kale, Bianconeri ayaa takhasus ku ah sida xiddigaha sumcada leh qaab xor ah loogu af-duubto iyaga oo hore sidaas kula wareegay xiddigo ay kamid yihiin Paul Pogba, Emre Can, Patrice Evra iyo Andrea Pirlo.

Si kastaba ha ahaatee, Real Madrid ayaa mudo dheer suuqa ugu jirtay sidii ay 27 jirkan ugu celin lahayd Madrid balse The Times ayaa haatan ku warramaya in Juve ay boos fiican u fadhido saxeexiisa.