MUSIIBO: Rajadii Koobabka Ee Atletico Madrid Oo Sidii Real Madrid Maalmo Gudahood Ku Burburtay, Athletic Bilbao Oo Jabkii Juventus Oo Kale Baday Atletico Iyo Barcelona Oo Heshay Fursad Dahabi Ah.

Waxa u muuqataa in dariiq kasta oo loo maro kooba horyaalka La Liga uu ku gaynayo Camp Nou kadib markii ay kooxda Atletico Madrid ay markale lumisay rajadii ay xili ciyaareedkan koobka horyaalka La liga ugu tartami lahayd, waxayna Barcelona siisay fursad wayn oo ay koobkan si sahlan ugu difaacan karaan.

Kadib markii ay Real Madrid todobaad gudihii ay kaga wada hadhay saddexdii koob ee ay u tartamaysay inkasta oo ay wali rajo ahaan u nool yihiin horyaalka La Liga, haddana kooxda kale ee Madrid ka dhisan ee Atletico Madrid ayaa maalmo yar gudahood ku lumisay Champions league iyo la Liga kadib markii ay murugadii Juventus u raacday guuldaro kale oo ka soo gaadhay Athletic Bilbao.

Kadib markiii ay Juventus guuldaro 3-0 ah gadhka u soo galisay ee ay kooxda Diego Simeone ay kaga hadhay UEFA Champions league laakiin kooxda Athletic Bilbao ayaa nabaradii Atletico cusbo sii marisay si ay u xumeeyaan rajadii ay koobka La Liga ka qabeen.

Barcelona ayaa heshay fursad cajiib ah oo ay 10 dhibcood ugu qaban karto hogaanka La Liga haddii ay guul ka gaadhaan kooxda dhibta badan ee Real Betis laakiin xataa haddii ay Barcelona barbaro gasho waxay heli kartaa 8 dhibcood waxayna Atletico Madrid hadda u muuqataa mid lumisay aragtidii Barcelona.

In Atletico Madrid ay guuldaro la kulantay waxay sabab u noqon kartaa in kulankeeda Camp Nou ay iskeento iyada oo quus ka taagan in ay ku guulaysan karto koobka La Liga halka Barcelona ay wali haysato fursada ay saddexda koob ugu tartami karto.

Athletic Bilbao waxaa guushan ku hogaamiyay Iñaki Williams (73) iyo  Kenan Kodro (85) oo qaybtii labaad min hal gool dhaliyay waxayna Atletico Madrid awoodi wayday in ay wax jawaab ah bixiso.

Si kastaba ha ahaatee, hadda kooxda Atletico Madrid iyo xataa Real Madrid oo guul ka gaadhay Celta Vigo ayaa sugi doona kulanka adag ee ay Barcelona la ciyaari doonto kooxda Real Betis.