MUSIIBO: Markii Hore Dhaawicii Neymar Jr, Haddana Kylian Mbappe-PSG Oo Musiibo Ku Dhex Jirta Ka Hor Kulanka Liverpool Ee Champions League

Kooxda PSG waxay xalay u ahayd habeen murugo badan kadib markii ay arkeen labada xidig ee kooxdooda ugu muhiimsan ee Neymar Jr iyo Kylian Mbappe oo dhaawacyo kala duwan looga saaray kulamadii saaxiibtinimo ee ay u safteen xulalkooda Brazil iyo France sida ay u kala horeeyaan.

Dhaawacyada Neymar Jr iyo Mbappe ayaa ku soo beegmay maalmo kooban ka hor waqtiga ay PSG soo dhawaynayso kooxda Liverpool ee kulanka UEFA Champions league kaas oo saamayn wayn ku yeelan kara kala saraynta Group C.

Markii hore Neymar Jr ayaa dhaawac looga saaray kulankii uu xulkiisa Brazil la ciyaaray Cameroon waxaana Neymar Jr ciyaarta laga saaray daqiiqadii 8 aad ee bilawgii kulankan kadib markii uu soo gaadhay dhaawac gumaarka ahi waxaana lagu soo badalay Recharlison kaas oo goolka guusha u saxiixay Brazil.

Laakiin iyada oo markii horeba PSG ka walwalsanayd xaalada dhaawaca Neymar Jr ku qasbay in siddeed daqiiqo uu kaga baxay kulankii Brazil iyo Cameroon waxaa xaalada uga sii daray markii ay arkeen Kylian Mbappe oo dhaawac xanuun badani ku soo gaadhay kulankii France iyo Uruguay.

Mbappe ayaa si xun dhulka ugu dhacay wuxuuna hoosta gashaday garabkiisa midig taas oo keentay in isaga oo aad u xanuunsanaya ciyaarta laga saaray waxayna markiiba xaaladani murugo badan ku abuurtay jamaahiirta PSG halka ay taageerayaasha Liverpool farxad ku soo dhaweeyeen.

Kooxaha Liverpool iyo PSG ayaa kulanka Group C ugu adag wada ciyaari doona Arbacada, November 28 waana muddo todobaad ah si ay Neymar Jr iyo Mbappe dagaal ugu galaan in ay kulankan taam u noqon karaan iyada oo waliba xaalada Mbappe haddii ay xumaato ay PSG dhibaato ku sii noqon karto.

Halkan ka daawo qaabkii xanuunka badnayd ee uu Mbappe dhulka ugu dhacay iyo qaabkii uu dhaawaca kulankii Uruguay looga soo saaray uu ku soo gaadhay.

PSG ayaa baadhitaano dheeraad ah ku samayn doonta xaalada Neymar Jr iyo Mbappe iyada oo kadib la ogaan doono haddii ay wax fursad ah u yeelan karaan kulanka adag ee ay kooxdoodu soo dhawayn doonto Liverpool.

Haddii ay Mbappe iyo Neymar Jr ay awoodi waayaan in ay taam u noqdaan kulanka Liverpool ee UEFA Champions League waxay dhabar jab wayn ku noqon doontaa kooxdooda PSG oo markii horeba la soo dhibtoonaysay natiijooyinkii aan fiicnayn ee Champions league.

PSG ayaa laba jeer barbaro la gashay Napoli waxayna guuldaro kala soo laabtay Anfield iyada oo kaalinta saddexaad kaga jirta Group C laakiin waxaa walwal xoogan ku abuuray dhaawacyadii xalay kulamadii saaxiibtinimo ku soo gaadhay Neymar iyo Mbappe waxaana la sugi doonaa in warar dheeraad ahi ay ka soo baxaan.