MUSIIBO: Alexandre Lacazette Oo Qaliin Jilibka Ah Maray Iyo Muddada Uu Garoomada Ka Maqnaan Doono Oo Murugo Ku Ah Arsene Wenger Iyo Kooxdiisa Gunners.

Kooxda Arsenal ayaa war rasmi ah ka soo saartay dhaawac soo gaadhay gool dhaliyaha kooxdeeda ee Alexandre Lacazette kaas oo la xaqiijiyay in uu maray qaliin guulaystay oo jilibka ah. Dhaawaca Alexandre Lacazette ayaa ah mid halis ah oo uu muddo dheer garoomada kaga maqnaanayo isaga oo seegaya kulamo aad muhiim ugu ah kooxdiisa gunners.

Alexandre Lacazette ayaa daqiiqadii 65 aad badal ku soo galay kulankii ay Arsenal guuldarada kala kulantay kooxda Tottenham waxayna Arsenal warbixin rasmi ah ku shaacisay in maanta uu Alexandre Lacazette qaliin jilibka ah ku maray London isla markaana uu muddo ilaa lix usbuuc ah uu garoomada ka maqnaan doono.

Alexandre Lacazette ayaa seegi doona finalka League Cupka ee ay Arsenal kooxda Manchester City kula ciyaari doonto Wembley Stadium waxa kale oo uu seegi doonaa isla kulanka Manchester City iyo Arsenal ee Emirates Stadium.

Alexandre Lacazette ayaa tan iyo bilwagii sanadkan 2018 ku dhibtoonayay qaab ciyaareedkiisii fiicnaa in uu helo isaga oo hal gool oo kaliya ka soo dhaliyay kulankii ay Arsenal 4-1 ku garaacday kooxda Crystal Palace wuxuuna fursado madax xanuun ah lumiyay dhamaadkii kulankii Tottenham.

Laakiin Arsenal ayaa hadda ku qasban in lixda usbuuc ee soo socda ay ku shaqayn doonto iyada oo uu kooxdeeda ka maqan yahay Alexandre Lacazette taas oo masuuliyad wayn saaraysa Aubameyang iyo Danny Welbeck oo hadda ah labada gool dhaliye ee uu Arsene Wenger ku tiirsanaan doono.

Dhaawaca iyo qaliinka Alexandre Lacazette ayaa imanaya waqti ay Arsenal galayso xaaladii ugu muhiimsanayd xili ciyaareedkeeda iyada oo ciyaari doonta kulamo go’aamin kara qaabka uu xili ciyaareedkeedu ku dhamaan karo gaar ahaan finalka League Cupka oo February 25 ay Man City kula ciyaari doonto Wembley Stadium.

Arsenal ayaa u safri doonta dalka Sweden ee kulanka lugta hore ee wareega 32ka kooxood ee UEFA Europa League iyada oo la ciyaari doonta kooxda Osterunds FK waana kulan uu Lacaztte ka maqnaan doono kooxda Arsene Wenger.