Mulkiile John W Henry Oo Ugu Dambayn Go’aansaday Inuu Iska Iibiyo Liverpool, Farqiga Qiimihii Uu Siistay Iyo Midka Uu Ku Doonayo & Shaqsiga Xiga Ee Iibsan Kara Reds

Mulkiilaha kooxda Liverpool ee John W Henry oo ah Bilyaneer ree Maraykan ah ayaa haatan lagu soo warramayaa inuu go’aansaday sidii uu iskaga iibin lahaa kooxdiisa, Qiimaha uu dul dhigay oo la ogaaday iyo shaqsiga xiga ee la wareegi kara mulkiyada Reds.

Sida ay sheegayaan warar laga helayo New York Post, Bilayaneerka ayaa haatan qiimayno ku wada dalabaad uu helayo oo uu doonayo inuu iska iibiyo kooxdan uu la wareegay sanadkii 2010.

Farqiga u dhaxeeya qiimaha uu Henry kula wareegay kooxda Anfield siddeed sano kahor iyo midka uu haatan ku doonayo ayaa ah mid aad u badan maadaama oo uu u arko in qiimaha suuqa kooxuhu uusan haatan heerkii wakhtigaas joogin.

Qiimaha uu hantiilahan ree Maraykan kula wareegay Reds ayaa ahayd $447 million sanadkii 2010 waxaana uu haatan ku doonayaa inuu ku helo aduun dhan 2 BILYAN.

Warar hore ayaa sheegayay in dhammaadkii sanadkii 2017 uu Liverpool doonayo Bilyaneerka carbeed ee Sheik Khaled Bin Zayed Al Nahayan oo ah shaqsi ay ilmo-adeer yihiin mulkiilaha qaniga ah ee Manchester City ee Sheikh Mansour.

Si kastaba ha ahaatee, Khaled Bin Zayed oo ah shaqsigii isku dayga hore sameeyay ayaa markan ugu cad cad inuu si buuxda u helo mulkiyada kooxda ree England ee ugu guulaha badan tartamada qaarada Yurub.