Mudo Intee Le’eg Ayuu Garoomada Ka Maqnaan Doonaa Alexis Sanchez? Tababare Jose Mourinho Oo Qiyaasay Isagoo Khibradiisa Adeegsanaya.

Tababaraha kooxda Manchester United ee Jose Mourinho ayaa isaga oo adeegsanaya khibrada uu u leeyahay dhaawacyada iyo fal-celinta xiddiga dhaawacu gaadhay ee Alexis Sanchez war hordhac ah kasoo saaray mudada uu garoomada ka maqnaan doono garabka ree Chile.

Kooxda ayaa maalinimadii shalay ahayd war rasmi ah ku shaacisay in Alexis uu dhaawac kasoo gaadhay muruqa isla markaana uu u baahnaan doono baadhitaano si loo ogaado heerka uu gaadhsiisan yahay dhaawacu.

Hadalka Jose ayaa ah mid kale oo aan u wanaagsanayn dhagaha jamaahiirta kaddib markii uu qiyaasay in dhaawacani uusan ahayn mid muruqa ah oo sahlan oo lagu maqnaan karo ugu badnaan 10 maalmood balse ay intaas ka badan doonto.

Special One ayaa yidhi “Wax baadhitaano ah lama samayn wali laakiin ciyaartoygu waa mid khibrad leh, Ciyaartoygu waxa uu ogyahay waxa uu dhaawacani yahay”

“Sidoo kale, Marka aan eego khibradeyda ugu sarreysa, Xanuunka iyo qaabka uu dhaawacu u dhacay, Waan ogahay inuu noqon doono mid mudo dheer ah”

“Maaha dhaawac muruqa ah oo yar oo ciyaartoygu uu diyaar ku noqonayo toddobaad amaba 10 maalmood gudahood”

“Aniga ahaan iyo Alexis-ba, Baadhitaanada kahor waxan filaynaa in heerkani uu ka sareeyo dhaawaca Lindelof Iyadoo midka Lindelof uusan ahayn mid sahlan, Sidaa darteed waxaan filayaa in Alexis uu qabo waxaan ugu yeedhi jiray dhaawac muruqa ah oo daran”