Muddo 12 Sanadood Ah Kulan Ay Man United Ciyaarayso Oo FA Cupka Ah Oo Aan TV-ga Laga Baahin Doonin Iyo Channelada Xuquuqda Baahinta Wareega Saddexaad Ee Emirates FA Cupka Oo La Shaaciyay.

Waxaa la shaaciyay kulamada sida tooska ah loo baahin doono ee wareega saddexaad ee tartanka Emirates FA Cupka waxaana soo afjarmay rekoodhkii Manchester United ay muddo 12 sano oo xidhiidh ah ku helaysay baahinta tooska ah ee kulamadii ay ka soo ciyaartay FA Cupka. Waxaa sidoo kale la shaaciyay channelada sida tooska ah u baahan doona kulamada wareega saddexaad ee FA Cupka iyada ooo wareegan sidii isku aadka aad kula socoteen ay qayb ka noqdeen kooxaha waa wayn ee premier Leaque.

Markii ugu danbaysay ee ay Manchester United kulan ay ciyaarayso FA Cupka aan si toos ah TV-ga looga baahan ayaa ahayd sanadkii 2005 kii markaas oo ay Old Trafford ku soo dhawaysay kooxda  Exeter City wuxuuna kulankaasi ku dhamaaday babraro gool la’aan ahaa laakiin 12 sano kadib Man United ayaa la ciyaari doonta kooxda  Derby County.

Waxaa xuquuqda baahinta wareega saddexaad ee Emirates FA Cupka haysta BBC iyo BT Sport waxaana kulamada sida tooska ah loo baahan doono ka mid ah kulanka Merseyside Derby ee ay Liverpool soo dhawayn doonto kooxda Everton si la mid ah kulanka ay Chelsea booqan doonto kooxda Norwich City.

Kulanka ay Arsenal martida u noqon doonto kooxda Nottingham ayaa sidoo kale ka mid ah kulamada sida tooska ah loo baahin doono.

Kulamada wareega saddexaad ee FA Cupka ayuu ugu adag yahay kulanka Merseyside derby ee dhex mari doona kooxaha ismagaalada ah ee Liverpool iyo Everton oo sidoo kale axada ku balansan isla Anfield oo ay kulanka FA Cupkana ku wada ciyaari doonaan.

Kulamada FA Cupka Ee Sida TooskA Ah Ay BBC Iyo BT Sport U Baahin Doonaan:

January 5: Liverpool vs Everton (BBC)

January 6: Fleetwood/Hereford vs Leicester City (BBC)

January 6: Norwich vs Chelsea (BT Sport)

January 7: Shrewsbury vs West Ham United (BBC)

January 7: Nottingham Forest vs Arsenal (BT Sport)

January 8: Brighton and Hove Albion vs Crystal Palace (BT Sport)