Mourizio Sarri Oo Loo Soo Jeediyay In Laba Ciyaartoy Uu Xaalada Murugada Leh Ee Kooxdiisa Ku Badali Karo Iyo Jamaahiirta Blues Oo Ku Qanci Karta.

Tababaraha kooxda Chelsea ee Maurizio Sarri ayaa cadaadis wayn ugu hoos nool ceebtii iyo fadeexadii kooxdiisa Blues xalay ka soo gaadhay Manchester City wuxuuna la kulmayaa eedayn badan kadib markii uu ku adkaystay in aanu waxba ka badalayn qorshihii uu bilawgii xili ciyaareedkan guulaha badan ku soo gaadhay balse markii danbe laga fahmay ee fashilmay.

Laakiin khabiirka kubbada cagta Talyaaniga ee  Gabriele Marcotti ayaa Sarri u soo jeediyay in uu laba ciyaartoy shaxdiisa ku soo kordhiyo si uu isbadal u sameeyo wuxuuna si gaar ah u magacaabay ciyaartoy ay tahay in aanu shaxdiisa ku soo bilaabin kaas oo ay marar badan ka soo cawdeen jamaahiirta Blues.

SIDOO KALE AKHRISO:  Cristiano Ronaldo Oo Dhaawac Soo Gaadhay Ka Hor Bilaabashada Ciyaareedka Cusub Ee Serie A .

Gabriele Marcotti ayaa aaminsan in Sarri uu kaydka dhigo Marcos Alonso isla markaana uu difaaca bidix u soo doorto Emerson wuxuuna sidoo kale soo jeediyay in uu waqti badan siiyo Andreas Christensen  si uu ugu xaliyo dhibaatada iyo qaladaadka difaaca dhexe ay soo sameeyeen.

Khabiirka kubbada cagta Talyaaniga ee  Gabriele Marcotti oo la hadlayay ESPN ayaa yidhi: “Anigu waxaan jecelahay in aan arko Emerson oo ku soo bilaabanaya dhinaca, waxaan filayaa in ay waajib tahay in Christensen xaqiiqdii la siiyo fursad dheeraad ah. Waxaan filayaa in ay labadaasi yihiin kuwo muhiim ah”.

Gabriele Marcotti ayaa sida qaar badan oo jamaahiirta Chelsea ah cadeeyay in Marcos Alonso uu dhibaato kooxdiisa ku yahay wuxuuna yidhi: “Waxaan filayaa in Alsonso uu dhibaato yahay. Laakiin waxa ugu muhiimsani waa in aanad samayn karin qaladaadka doqoniimada ah ee difaaca ah oo iyaga kulamada ugu kacaya qiimo ahaan”.

Marcotti oo fariin kale u diraya Sarri ayaa yidhi: “Waxaan filayaa in ay taasi tahay waxa aad u baahan tahay in aad in badan garoonka tababarka kaga shaqayso oo aad garato sida ciyaartoydaada fariinta loogu gudbiyo”.

SIDOO KALE AKHRISO:  Dagaalka Hogaanka Premir League- Shantan Goobood Ayay Ku Kala Guulaysan Karaan Kooxaha Hogaanka Premier League U Tartamaya Ee Liverpool Iyo Arsenal.

Maurizio Sarri ayaa in badan lagu soo eedaynayay in uu badali waayay shaxdiisa qorigeeda la qabtay ee Jorginho xudunta u yahay waxaana lagu duray in aanu lahayn qorshe labaad ee plan B taas oo hadda shaki wayn galinaysa mustaqbalkiisa iyo waliba in Chelsea ay afarta sare ku dhamaysan karto.