Mourinho Oo Doortay Kulankii Xili Ciyaareedkan Ugu Fiicnaa Ee UCL? Ma Soo Laabashadii Man United Ee PSG? Ma Wacdarihii Ajax Ee Real Madrid Mise Dhul Gariirkii Liverpool Ee Bayern Munich?

Xili ciyaareedkan waxaa kulamo cajiib ah laga soo ciyaaray heerarkii kala duwanaa ee UEFA Champions league waxaana jiray kulamo khaas ahaa oo indhaha kubbada cagta aduunka soo jiitay laakiin Jose Mourinho oo hadda ku raaxaysanaya waqtigiisa ka khabiirnimo ayaa soo xushay kulankii ugu fiicnaa xili ciyaareedkan ee Champions league.

Kulamada xili ciyaareedkan sida khaaska ah looga hadlayay waxaa ka mid ahaa kulankii ay Man United guusha cajiibka ahayd ka soo gaadhay PSG iyo waliba kulankii ay kooxda Ajax ku xasuuqday Real madrid iyada oo Santiago Bernabeu marti ku ahayd, laakiin Mourinho ayaa kulankii Liverpool ee Bayern Munich u soo xushay kulankii ugu cajiibsanaa.

Jose Mourinho ayaa tilmaamay in Liverpool ay isaga kaga yaabsatay wixii ay Allianz Arena kaga soo samaysay Bayern Munich wuxuuna tilmaamay in ay hadda maskax ahaan diyaar u yihiin in ay ku dagaalamaan koobka UEFA Champions league.

Jose Mourinho ayaa sheegay in xaaladii ay Liverpool ku soo jirtay ee ay dhibcaha badan ugu soo lumisay Premier League aanu filayn in ay Bayern Munich u galayaan qaabkii ay dhibaatada wayn ugu soo gaysteen.

Jose Mourinho oo ka hadlaya Liverpool ayaa yidhi: ‘Waxaan eegayay Liverpool, hoos ayay uga soo dhaceen Premier league waxayna luminayeen dhibco badan, waxayna hubaashii la yimaaden bandhigii xili ciyaareedka ugu fiicnaa ee Champons league. Waa hubaal”.

Mourinho ayaa qirtay in Liverpool ay isaga iyio dad badan ka yaabisay kadib wixii ay Bayern Munich ku soo samaysay wuxuuna yidhi: ” Sidaa daraadeed, waxay iyagu maamuleen in ay iyaga yaabiyeen. Anigu ma filayo in ay naftooda ka yaabiyeen, sababtoo ah waxay dabcan ahaaayeen kuwii ugu horeeyay ee naftooda aaminay, laakiin bandhigaas xoogan waxay kaga yaabiyeen dad badan”.

Ugu danbayn Mourinho ayaa qiray in guushii Liverpool ee garoonka Bayern Munich ay hadda maskax ahaan sare u soo qaaday Liverpool wuxuuna yidhi: “Taasi waxay iyaga hadda dhigaysaa boos fiican oo ay ugu dagaalamayaan Champions league, laakiin waxaan filayaa in sidoo kale uu ay aragtida maskax ahaaneed ay dib u dhalan doonaan isla markaana ay nooca bandhigan oo kale ah keeni doonaan Premier League”.