Mohamed Salah Oo Lagu Eedeeyey Inuu Iska Badbaadin Karayey Dhaawacii Gaadhay

Xiddiga xulka qaranka Masar iyo Liverpool ee Mohamed Salah oo la halgamaya kasoo kabashada dhaawac garabka ka gaadhay kulankii finalka Champions League ee Sabtidii ayaa la kulmay dhalleecayn la xidhiidha qaabkii uu wax u noqday.

Khabiirka ciyaaraha BBC 5 Live ee Dion Dublin, horena ugu ciyaari jiray Aston Villa ayaa ku eedeeyey Mohamed Salah in uu naftiisa ka badbaadin kari waayey dhaawac markii uu sii dhacayey iyaga oo isku maran kabtanka Real Madrid, Sergio Ramos.

Salah ayaa markii uu dhacayey dhulka ku horreysiiyey garabka gacanta bidix, halkaas oo markiiba uu wax ka noqday, ciyaartana kaga baxay iyadoo maraysa daqiiqaddii 31aad, taas oo sabab u noqotay in Liverpool oo si weyn isaga ugu tiirsanayd ay kala daadato ciyaartuna u wareegto dhinaca Real Madrid oo 3-1 ay guushu ku raacday.

Sida uu sheegay dhakhtarka xulka qaranka Masar, Mohamed Salah waxa uu garoomada ka maqnaan doonaa ugu badnaan saddex toddobaad, taas oo ka dhigan inuu ciyaarta u horreysa ee Koobka Adduunka qarankiisa Masar la ciyaari doono Uruguay uu seegi doono.

Dad badan ayaa ku dooday in Sergio Ramos uu si badheedh ah u dhaawacay Mohamed Salah, hase yeeshee Dublin ayaa aaminsan fikir kaa duwan.

“Ma garanayo sida iyo sababta uu qof walba ugu malaynayo inuu ahaa dhaawac badheedh ah, qofka u haystaana maaha ciyaartoy” ayuu yidhi Dublin.

“Ciyaartoygu wuxuu awoodi karaa inuu siyaabaha qaarkood u dhaco sababtoo ah, wuxuu ogyahay in jidhkiisu uu ku fiican yahay, haddii kale, ciyaartoy maaha.” Ayuu ku daray Dion Dublin oo u warramayey BBC 5 Live.

Fikirkan waxa Dion Dublin ku raacay ciyaartoygii hore baasha uga ciyaari jiray Chelsea ee Pat Nevin oo ay wada daadihinayeen barnaamijka falan-qaynta dhaawaca Salah.