Mohamed Salah Oo Garkii Xiirtay – Asxaabtiisa Liverpool & Taageerayaasha Oo Twitter & Instagram Uga Falceliyay

Xiddiga lagu naaneeso boqorka Masar ayaa la soo baxay muuqaal cusub shalay oo Axad aheyd.

Waxa uu iska xiiray garkii lagu bartay, waana sawirkii uu soo dhigay bogiisa Instagram. In ka badan labo milyan iyo bar ayaa jeclaatay sawirka uu soo dhigay bogiisa baraha bulshada.

View this post on Instagram

🤦🏽‍♂️🤦🏽‍♂️

A post shared by Mohamed Salah (@mosalah) on

Waqti dheer kuma aysan qaadanin in asxaabtiisa kooxda Liverpool ay ka falceliyaan.

Alberto Morena oo fekrad ka dhiibanayay sawirka ayaa soo qoray su’aashaan: “Ma waxaa tahay Mo Salah?”

Dejan Lovren oo daafac uga dheela Liverpool ayaana su’aashaas ka jawaabay isagoo yiri: “Maya ma ahan waa walaalkiis oo 10 sannadood ka yar”

Dejan Lovren ayaa mar kale soo qoray: “OK hadda waan aaminayaa inaad 26 sanno jir tahay” wuxuuna soo raaciyay emoji qosol ah.

Taageerayaasha Liverpool ayaa iyagana falcelin ka sameeyay muuqaalka cusub ee Mohamed Salah.

Juan ayaa soo qoray: “Mohamed Salah waxa uu xiiray garkiisa, waxaana uu haatan u muuqdaa inuu iga yar yahay.”

Kashyap ayaa isna yiri: “Mo Salah oo bilaa gar ah waa sida diidiin bilaa qolof ah.”