Mohamed Salah Mise Kevin De Bruyne? Midkee Ah Xidiga Sanadka Ee Premier League? De Bruyne Oo Si Daacad Ah Oo Aan Gabasho Lahayn Uga Hadlay.

Ururka xirfadlayaasha kubbada cagta England ee PFA ayaa shalay soo saaray liiska lixda ciyaartoy ee ku tartamaya abaal marinta xidiga sanadkan 2018 horyaalka Premier league ugu fiican, waxaana liiskan hogaaminaya Mohamed Salah iyo Kevin De Bruyne oo loo arko labada xidig ee sida tooska ah abaal marintan ugu tartamaya.

Mohamed Salah ayaa bandhigiisa cajiibka ah ka sii watay kulankii Anfield ee Bournemouth wuxuuna dhaliyay gool uu taariikh cusub kaga abuuray Premier League isaga oo noqday xidigii abid ugu horeeyay ee 22 kulan oo Premier League ah hal xili ciyaareed goolal ka dhaliyay halka uu sidoo kale ku noqday xidigii ugu horeeyay ee qaarada Afrika ka soo jeeda ee hal xili ciyaareed ee 30 gool oo PL ah dhaliyay.

Kevin De Bruyne ayaa si daacad ah uga hadlay in haddii aan isaga iyo ciyaartoyda kooxdiisa Man City loo dooran ciyaartoyga sanadka ee horyaalka Premier league ugu fiican in markaas Mohamed Salah uu u qalmo in uu abaal marintan ku guulaysto.

Mohamed Salah ayaa Kevin De Bruyne kaga si wayn ugaga sareeya dhinaca gool dhalinta iyada oo xidiga ree Masar uu dhaliyay goolkiisiii 30 aad ee Premier League iyo goolkiisii 40 aad ee tartamada oo dhan halka uu sidoo kale qayb ka yahay gool caawinta iyo fursad abuurista kooxdiisa Reds.

Kevin De Bruyne oo la hadlayay NBC Sports ayaa yidhi: ” Haa, waxaan filayaa in haddii aanad cidna ka soo dooran karin kooxdayda, in isagu (Salah) uu abaal marinta u qalmo. Si kastaba, ugu dhawaan waxa uu isagu doonayaa in uu ku guulaysto”.

Qiimaynta Kevin De Bruyne ayaa u muuqata mid uu hadda quus ka taagan yahay abaal marintan inkasta oo ay cod ku xidhan tahay wuxuuna isaga oo Salah ka sii hadlaya yidhi: “Isagu waxa uu ahaa mid aan caadi ahayn isla markaana in aad la tartanto qof goolasha sidaas u badan dhaliyay ma doonaysid in aad ku guulaysato”.

Intaa kadib De Bruyne ayaa muujiyay sida uu bandhigiisa ugu qanacsan yahay wuxuuna yidhi: “Anigu waxaan aad ugu qanacsanahay bandhigayga sanadkan ee aan la qaatay kooxda”.  Waxaa Salah iyo De Bruyne abaal marintan kula tartamaya David Silva, Leroy Sane, David De Gea iyo Harry Kane inkasta oo ayna fursad fiican haysan.

Laakiin marka la codaynayo ciyaartoyda looma ogola in ay isku codeeyaan halka ciyaartoyda isku kooxda ahi ayna ciyaartoy kooxdooda ka tirsan u codayn karin taas oo De Bruyne u diiday in uu helo ciyaartoy kale oo aan Mohamed Salah ka ahayn oo uu u codeeyo maadaama oo uu aaminsan yahay in ciyaartoyda kooxdiisa iyo Salah oo kaliyi ay abaal marintan u qalmaan.