Mohamed Salah Mise Kevin De Bruyne? Da’yarka Chelsea Ee Reece James Oo Si Aan Gabasho Lahayn U Doortay Xiddiga Uu Stamford Bridge Kusoo Celin Lahaa.

Da’yarka daafaca midig ee kooxda Chelsea ee Reece James ayaa kala doortay xiddigihii kooxdiisa usoo ciyaaray ee Kevin de Bruyne iyo Mohamed Salah midka uu jeclaan lahaa inuu dib ugu soo celiyo Stamford Bridge haddiiba uu awood u leeyahay.

De Bruyne iyo Salah ayaa labaduba baxay wakhtigii uu Jose Mourinho ahaa macalinka Blues iyagoo ku kala biiray kooxaha Fiorentina iyo Wolfsburg isla markaana dunida soo tusay awoodooda iyo waxa ay samayn karaan.

Image result for De Bruyne and Salah

Labadan xiddig ayaa haatan kamid ah ugu yaraan shanta ciyaartoy ee ugu wanaagsan Premier League wakhti xaadirkan iyagoo ah hoggaamiyayaasha kooxahooda Liverpool (Salah) iyo Man City (De Bruyne).

Haddaba, James oo u warramayay Bleacher Report ayaa shaaca ka qaaday in haddii ay tiisa tahay uu dooran lahaa De Bruyne isagoo xusay inaysan jirin wax gaar ahi balse uu jecel yahay hanaanka ciyaareed ee kubad sameeyaha Sky Blues.

Reece oo ka jawaabaya su’aasha ah midka uu lasoo saxeexan lahaa De Bruyne iyo Salah ayaa yidhi “Waxaan haysan lahaa De Bruyne”.

“Labaduba waa kuwo heer sarre ku ah boosaskooda, Ma jirto sabab weyn oo aah De Bruyne uga dooranayo Salah, Kaliya waxaan jecelahay qaabka uu u ciyaaro”.

Dhinaca kale James oo la weydiiyay saxeexa riyada u noqon lahaa ayaa yidhi “Eden Hazard, Waan jeclaa qaabka uu u ciyaaro, Anigu wali waan jecelahay isaga, Waxa uu noqon doonaa mid kamida ciyaartoyda Chelsea ugu wanaagsan abid”.