Mohamed Salah Keena Oo Qaata Pualo Dybala+50 Milyan-Juventus Oo Liverpool Ku Qasbi Karta In Ay Salah Ku Celiyaan Serie A.

Kooxda Juventus ayaa saamayn badan ku yeelanaysa suuqa kala iibsiga ciyaartoyda tan iyo markii ay aduunka kaga yaabsadeen heshiiskii ay Real Madrid kagala soo wareegeen Cristiano Ronaldo, waxayna Old Lady dhawaan ku dhawaaqeen heshiiska ay Aaron Ramsey sida xorta ah ugla wareegayaan Arsenal balse ay ku shaqaalaysiiyeen mushaaar waali ah oo todobaadkii noqon doona 400,000 kun oo gini.

Laakiin Juventus ayaa markan doonaysa in ay Liverpool ka hesho xidiga reer Masar ee Mohamed Salah kaas oo gool dhalintiisa heerka ugu sareeya ku soo joogteeyay labadii xili ciyaareed ee uu Liverpool joogay, waxayna maamulka Jvuentus doonayaan in ay Reds hor dhigaan dalab ay suurtogal tahay in ay aqbali karaan.

Juventus ayaa soo hindistay qorshe ay Mohamed Salah ugu celinayaan horyaalka Talyaaniga oo uu hore iskugu soo muujiyay markii uu joogay kooxaha Fiorentina iyo AS Roma waxayna diyaar u yihiin in ay Cristaino Ronaldo iyo Mohamed Salah kooxdooda kuwada helaan.

Laakiin Juventus ayaan lacag kaliya ku doonayn Mohamed Salah waxayna doonayaan in ay Liverpool soo hor dhigaan dalab iskugu jira Pualo Dybala iyo 50 milyan Yuro si ay u helaan adeega Mohamed Salah waxaana warkan shaaciyay TuttoSport oo ka soo baxa dalka Talyaaniga.

Sida lagu sheegay warbixinta TuttoSport, maamulka kooxda Juventus ayaa doonaya in qiimaha Mohamed Salah uu noqdo 160 milyan yuro waxayna qorshaynayaan in 50 milyan yuro iyo qiimaha Pualo Dybala oo laysku daray ay u gooyan adeega Mohamed Salah.

Dalabkan ayaa noqon doona mid maamulka Liverpool la hor dhigi doono iyada oo hadda jamaahiirta kooxda Liverpool iyo Juventus ay fikradahooda ka dhiibanayaan waxayna u muuqataa in jamaahiirta Juventus ay ku qanacsan yihiin qorshaha kooxdooda ee ah in 50 milyan iyo Dybala ay ku helaan Mohamed Salah.

Laakiin jamaahiirta kooxda Liverpool ayaan doonayn in Mohamed Salah la iibiyo waxayna soo jeediyeen in maamulka kooxdoodu ay la soo saxiixdaan Dybala haddii ay doonayaan in uu kooxda yimaado balse ayna Salah ka iibin koox ay ka dhaqaale badan yihiin isla markaana ayna eegin lacagta ay Juventus soo bandhigtay oo kaliya.

Pualo Dybala ayaan xili ciyaareedkan ku jirin qaab ciyaareedkii fiicnaa ee looga bartay iyada oo inta badan saamayntii uu kooxda ku lahaa uu Cristiano Ronaldo hoos u dhigay.

Si kastaba ha ahaatee, marka uu dalabka Juventus soo gaadho Liverpool ayaa la ogaan doonaa halka uu maamulka Reds iska taagi doono in ay Mohamed Salah dhaafsan karaan Pualo Dybala + 50 milyan yuro.

Haddaba akhriste, haddii aad taageerer Liverpool ah tahay, miyaad Mohamed Salah ku badalan lahayd Pualo Dybala iyo waliba 50 milyan yuro?.

1 Comment

Comments are closed.