Damiir Laawe!!! Ciyaaryahan Sameeyey Wax Lala Yaabay Intii Ay Socdeen Kulamadii Bundesliga Ee Maanta

Difaacii hore ee Manchester City ee Deryck Boyata ayaa jabiyey sharciga kala fogaanshaha bulshada waddanka Jarmalka, waxaanu si badheedh ah u dhunkaday laacibka Liverpool amaahda kaga maqan ee Marko Grujic.

Horyaalka waddanka Jarmalka ee Bundesliga ayaa ku bilowday garoomo madhan, waxaana ciyaaray dhawr kooxood oo si gaar ah isha loogu hayey, iyadoo ciyaarta dhamaan kooxuhu ay xidhnaayeen maaskarada sanka iyo afka daboosha si ay caafimaadkooda u ilaaliyaan, hase yeeshee markii ay garoonka soo galeen ay iska saareen.

Laacibiinta kaydka fadhiyey ayaa isku jiray illaa saddex mitir, waxaanay xidhnaayeen maaskaro, kuwa lasoo beddelaana waxa diyaar usii ahaa af-daboolka oo ay xidhanayeen.

Laakiin kulankii Hertha Berlin ay 3-0 ku jiidhay Hoffenheim waxa uu ahaa fadeexad iyo wax dadku la yaabeen, sababtuna waxay tahay in natiijada iyo guusha kooxda reer Berlin ay qarisay dhunkasho uu sameeyey Boyata oo dhabanka midig kaga dhegay Grujic.

Laacibka reer Belgium ee amaahda kaga maqan Liverpool ee Grujic ayaa ku war helay Boyata oo dhyunkasho la miciinsaday, waxaana baadhitaan ku samayn doona ficilkiisa maamulka ciyaaraha iyadoo laga yaabo inuu ganaax ku mutaysto.

Siyaasiga caanka ah ee u dhashay waddanka Jarmalka ee markus Soder ayaa ku baaqay in labada ciyaartoyba kaadh cas loogu beddelo kaadhkii digniinta ahaa ee ka hor intii aanu falkani dhicin ay sameeyeen.

Baraha bulshada ayaa sidoo kale lagaga falceliyey arrintan, waxaana si xun loogu jarjaray Boyata oo lagu tilmaamay mid aan damiir lahayn oo aan xattaa la soconin waaqaca iyo waxa dunida ka socda.

Sida Ugu Sahlan Ku Hel Wararka Ciyaaraha,Halkan Ka Dajiso App-ka Gool24.net RIIX HALKAAN OO HEL APPKA.

LIKE OUR OFFICIAL FACEBOOK PAGE Gool24 Facebook