Miyuu Tababare Jurgen Klopp Doonayaa Inuu Dhawaan Iskaga Tago Liverpool? Wakiilkiisa Marc Kosicke Oo Waxkasta U Kala Caddeeyay Jamaahiirta Reds

Wakiilka tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp oo lagu magacaabo Marc Kosicke ayaa ka hadlay wararka dhawaan soo baxay ee sheegaya in tababaraha uu wakiilka ka yahay uu ka baxayo Anfield.

Heshiiska haatan uu Jurgen Klopp kula joogo Liverpool ayaa ah mid ku eeg ilaa sanadka 2022 waxaana la fahamsan yahay in shaqsiyaadka iska leh mulkiyada Reds ay doonayaan inay ku abaalmariyaan heshiis cusub oo horumar leh.

Heshiiskaas ayaa ka dhigan in mushaharka sanad laha ah ee uu haatan Klopp qaato lagu kordhin doono 3 Milyan oo Pound isla markaana ay Liverpool ka heli doonto waxqabadkiisa mustaqbalka dhaw.

Wargeyska The Sun ayuu dhawaan kasoo yeedhay hadal wer wer ku abuuray jamaahiirta Liverpool kaas oo ahaa in madaxda sarre ee kooxda ee lagu magacaabo Fenway Sports Group ay ka wer wer qabaan in tababaruhu uusan kooxda sii joogi doonin wax dhaafsan 2022.

Haddaba, Wakiil Kosicke ayaa si cad u sheegay in Klopp uu yahay shaqsi kooxdii ku haboonayd jooga wakhtigii ku haboonaa kaas oo ah hadal qalbiga u qaboojinaya jamaahiirta Reds.

Wakiil Marc Kosicke ayaa yidhi “(Jurgen Klopp) markale ayuu ku dareemay dabaaldegyadii dhawaa, Ala maxay koox weyn Liverpool tahay iyo inuu joogo goobtii ku haboonayd wakhtigii ku haboonayd”

Klopp ayaa haddii uu Anfield ku dhammaysto qandaraaskiisa haatan joogi doona mudo toddoba sano ah si lamid ah labadii wakhti ee uu kusoo qaatay kooxihiisii hore ee Mainz iyo Borussia Dortmund.

Klopp ayaa ilaa haatan Liverpool kula soo guuleystay tartanka UEFA Champions League kaas oo ah koobkiisii ugu horreeyay ee Reds iyo midkisii ugu horreeyay ee shan sano gudahood.