Miyuu Tababaraha 72 Sano Jirka Ah Ee Crystal Palace Ka Cabsi Qabaa Caabuqa Korona Haddii Kubaddu Soo Noqoto? Isaga Ayaa Saxaafada U Warramay

Tababaraha kooxda Crystal Palace ee Roy Hodgson ayaa ka hadlay haddii uu garoomada ku laaban doono marka ay kubadda cagtu dib usoo noqoto xilli uu marayo da’ aad u weyn oo uu xanuunka dunida ku faafaya ee Korona halis weyn ku hayo.

Warbixin rasmi ah oo kasoo baxday dawlada UK ayaa lagu sheegay in dadka ka weyn 70 sano ay yihiin kuwo halis gaar ah ugu jira xanuunka xilli uu Hodgson oo ah tababaraha abid ugu da’da weyn ee maamulay koox Premier League ahi uu 72 sano jir yahay.

Maamulka Premier League ayaa ah kuwo wali ka shaqaynaya mashruuca dib loogu bilaabayo horyaalka xilli kubadda cagta England ay ka fikirayso hanaan ay tartamadeedii dib ugu bilawdo.

Roy Hodgson oo waraysi siiyay haatan muuq-baahiyaha beIN Sports ayaa shaaca ka qaaday inaanu wax wer wer ah qabin oo ay da’du tahay uun da’.

Tababare Hodgson oo ka jawaabaya su’aasha ah haddii uu garoomada tagayo marka ay kubadda cagtu dib u bilaabanto ayaa yidhi “Haa, wax wer-wer ahi ma jiro, da’du waa da'”

“Dhab ahaantii waa sida aad dareento, da’daadu si daruuri ah uguma xidhna taam ahaanshaha jidhkaaga ama sida aad dareemayso, ama baaxadaada aad shaqo ku qabanayso”

Xaalad kastaba, qaar kamida xiddigaha horyaalka Premier League oo ay kamid yihiin weeraryahanka Man City ee Sergio Aguero iyo daafaca bidix ee Newcastle United ee Danny Rose ayaa kasoo horjeedsaday qorshaha lagu bilaabayo xilli ciyaareedka.

Sidoo kale tababaraha kooxda Sheffield United ee Chris Wilder ayaa sheegay inuu tix gelin doono haddii qaar kamida xiddigaha kooxdiisu aysan raaxo ku dareemayn inay ciyaaraan.

Sida Ugu Sahlan Ku Hel Wararka Ciyaaraha,Halkan Ka Dajiso App-ka Gool24.net RIIX HALKAAN OO HEL APPKA.

LIKE OUR OFFICIAL FACEBOOK PAGE Gool24 Facebook