Miyuu Santiago Solari Ka Wer-werayaa In Real Madrid Ay Heshiis Rasmi Ah Ka Saxeexan Waydo Kaddib Guulo Uu Gaadhsiiyay Kooxda? Santi Qudhiisa Oo Ka Jawaab Celiyay.

Tababaraha sida kumeel gaadhka ah usii haya shaqada booska tababarenimo ee kooxda Real Madrid Santiago Solari ayaa kaddib guul weyn oo ay kasoo gaadheen kooxda Viktoria Plzen saxaafada uga warramayahaddii uu jiro werwer uu ka qabo shaqadiisa.

Real ayaa shaqada kooxda ka fasaxday Julen Lopetegui oo xaalad xun galiyay waxaana intaa kaddib guulo 100% ah kusoo raaxaysanayay Solari walow uu kaliya mudo kooban sii haynayo shaqada.

Tababaraha ree Argentina ayaa gabi ahaanba diiday inuu ka hadlo wax ku saabsan mustaqbalkiisa isaga oo xusay inuu kaliya ka fikirayo kulanka xiga ee ay kooxdu dheelayso oo uu u arko waxa ugu muhiimsan.

Tababare Santi ayaa yidhi “Waxaan kaliya ka fikirayaa kulanka xiga, Sidii aan horeba u sheegay Waxaan kaliya arki karaa xidhiidhiyaha xiga ee silsilada ka tirsan, Ma filayo in midaasi qalad tahay”

“Kubadda cagtu waa ciyaar degdeg ah sidaa darteed waxa ugu muhiimsani markasta waa kulanka xiga, Maanta kahor waxa ugu muhiimsani waxa uu ahaa kulankan (Ciyaartii Viktoria Plazen)”

“Si fiican ayaan uga gudubnay ciyaartoyduna waxa ay ahaayeen cajiib, Laga bilaabo haatan waxa ugu muhiimsani waa kulanka xiga, Waa inaan ahaano kuwo diirada saaraya oo aan kasoo laabano kulankan intaa kaddib waxaan diirada saari karnaa kulanka usbuuc dhammadka”.

Si kastaba ha ahaatee, Real Madrid ayaa gali doonta kulamo kale oo tijaabo ah, Saddexda kulan ee ugu soo horeeya ayaa ah kulamo ay dhammaantood marti noqon doonto waxana ugu soo horreeya kulanka ay booqan doonaan Celta Vigo toddobaadkan.