Miyuu Sabab U Noqon Doonaa In Markale Pep Guardiola Macasalaameeyo Champions League? Xogta Buuxda Ee Garsooraha Kulanka Caawa Ee City v Tottenham Ee Xilli Ciyaareedkan Oo Cabsi Leh

Garsooraha ree Turkey ee Cuneyt Cakir ayaa ah midka caawa masuulka looga dhigay kulanka xoogan ee sida dhabta ah loogu kala hadhi doono ee Manchester City vs Tottenham markaas oo la isku arki doono Etihad Stadium.

Garsoorahan ayaa kusoo laabanaya meel uu eedayn badan kula kulmay sanadkii 2013 maadaama oo uu kulankii isla Manchester ka dhacay ee u dhaxeeyay Man United iyo Real Madrid kaadh casaan ah oo dood keenay siiyay Luis Nani isla markaana ay Real Madrid 10 daqiiqo gudahood ku bedeshay hoggaankii Man United ee 1-0 ka ahaa.

Cakir ayaa sidoo kale xilli ciyaareedkan gudihiisa ku lug yeeshay muran ka dhashay qalabka VAR kulankii FC Porto ay Roma ku reebtay Estádio do Dragão isaga oo diiday rigoore ay Roma heshay isaga oo aan la tashan VAR balse rigoore u dhigay Porto kaddib markii uu soo daawaday VAR.

Garsooraha ayaa ah mid xilli horeba xilli ciyaareedkan soo garsooray kulan ay ciyaarayaan Spurs waxaana ay ahayd ciyaartii ay guusha 1-0 ka ah ka gaadheen Inter Milan wareegii Group-yada.

Dhinaca kale kulankii ugu dambeeyay ee uu qabto ciyaar ay leeyihiin Sky Blues ayaa ahaa midkii xilli ciyaareedkii 2015-16 ee ay bareejaha 0-0 ka ah la galeen Real Madrid.

Waa Sidee Xogta Garsoore Cuneyt Cakir Ee Xilli Ciyaareedkani?

Cekir ayaa xilli ciyaareedkan oo kaliya gudihiisa bixiyay 123 kaadh jaale, 4 kaadh casaan iyo 16 rigoore isaga oo si gaar ahaaneed kulamada Champions League usoo bixiyay 21 kaadh hurdi ah.

Sheekada cajiibka ah ee garsoorahan ayaa ah mid ka dhalatay kulankii Porto vs Roma isaga oo bixiyay sagaal kaadh jaale iyo laba rigoore.