Miyuu Philippe Coutinho Kasoo Noqonayaa Nafsigii Uu Liverpool Ka Galay Oo Uu Anfield Kusoo Laabanayaa? Wakiilkiisa Joorabchian Ayaa Jawaab Muran Dhalisay Bixiyay

Wakiil Joorabchian oo ah shaqsiga wakiilka ka ah khadka dhexe ee kooxda Barcelona ee Philippe Coutinho ayaa ka hadlay mustaqbalka xiddigiisa iyo wararka dhawaanahan soo badanaya ee la xidhiidhinaya kooxdiisii hore ee Barcelona.

Coutinho ayaa horraantii sanadkii hore u wareegay Barcelona kaddib dhawr xilli ciyaareed oo uu bandhigyo heer sarre ah kusoo sameeyay Liverpool isaga oo Camp Nou ku gaadhay heshiis 142 Milyan ah.

27 jirkan ayaa intaas wixii ka dambeeyay ku fashilmay inuu la kulmo wixii ay taageerayasha Barcelona ka filanayeen, Lixdii bilood ee ugu horreeyay ee Coutinho ayaa ahaa kuwo aan xumayn balse xilli ciyaareedkan dhammaadka ah ayuu bandhig niyad jab leh lasoo muuqday.

Inuu Coutinho shan gool iyo laba caawimo kusoo sameeyay 34 kulan oo horyaalka La Liga ah ayaa caddayn ugu filan sida uu u waayay qaab ciyaareedkii uu jamaahiirta Liverpool kusoo madadaaliyay sanado dhawr ah.

Si kastaba, Haatan wakiil Joorabchian ayaa wax laga weydiiyay haddii xiddigiisu uu ku laabanayo kooxdii uu qaabka aan wanaagsanayn kaga soo tagay ee Liverpool, Wakiilka ayaa sheegay in ay waxkasta go’aan ka gaadhi doonto Liverpool waana hadal dood dhaliyay.

Hadalka uu wakiilkani ku sheegay in go’aanku dhinaca Liverpool yahay ayaa la micno ah in ay talada u dhiibeen Reds waxaana uu dhinaca kale amaanay kooxda xoogan ee uu Jurgen Klopp dhisay.

Joorabchian ayaa yidhi “Arrintu waxay tahay Liverpool waxay dhistay saf cajiib ah, Tababaruhu waxa uu halkaas ku leeyahay isku dheeli tir badan waana mid kamida kooxaha kubadda cagta ee ka soconaya dalka (England)”

“Sidaa darteed marka loo eego dhisida ay sameeyeen iyo safka ay haystaan, Waa inuu xaqiiqdii noqdo (Haddii ay Coutinho la saxeexanayaan) wax ay iyaga tahay inay go’aansadaan, Haddii ay dareemayaan iyo haddii aysan dareemayn in meesha haatan banaan ay u baahantahay qof sida Philippe oo kale ah”

Salah Mane Firmino Liverpool