Miyuu Pep Guardiola Manchester City Kula Guuleysan Kara Koobabkii Uu Kula Guuleystay Barcelona? Halyeey Xavi Hernandez Oo Fikradiisa Ka Dhiibtay.

Halyeeyga kooxda Barcelona ee Xavi Hernandez oo qayb kasoo ahaa afartii sano ee koobabka badnaa ee uu Pep Guardiola joogay Barca ayaa ka hadlay haddii Pep uu dhacdadaas markale ku samayn karo kooxdiisa haatan ee Manchester City.

Mudadii afarta sano ahayd ee uu Guardiola kusoo qaatay Camp Nou ayuu kusoo guuleystay 11 Koob oo muhiim ah marka laga reebo koobabka yar yar waxaana kamid ah tartamada waaweyn ee uu hantay saddex horyaalka La Liga ah iyo laba Champions League oo kala duwan.

Xavi is convinced that Guardiola can make City a European powerhouse. GOAL

Haddaba, Xavi ayaa sheegay inay dadku wali la yaaban yihiin qaabkii uu Guardiola Citizens ugu hoggaamiyay horyaalka xilli ciyaareedkii hore balse ay wax intaa ka badani soo socdaan isla markaana uu tababarahani awood u leeyahay inuu City u qabto wixii uu Barca usoo qabtay.

“Pep kaliya wuu horumarin doonaa Manchester City, Dadku waxay la yaabanaayeen sidii uu ugu guuleystay horyaalka xilli ciyaareedkii hore, Laakiin in ka badan ayaa iman doonta”

“Waxa uu markasta raadinayaa inuu horumaro, Inuu kasii wanaajiyo kooxda, Ujeedada xigta waxay noqon doontaa Champions League marka ay isaga ka hoos shaqaynayaan waxaan filayaa inay samayn doonaan”

“Waxa uu Barcelona ku sameeyay wax markasta lagu xasuusan doono taariikhda kubadda cagta, Waxa uu mid sidaas lamid ah ka samayn karaa Manchester”

“Tani waa kubadda cagta, Maaha kaliya waxa aad gaadhay balse waa sidaad ku gaadhay, Manchester City waxay ciyaaraysaa kubad cajiib ah waxaanan balan qaadayaa in ciyaartoydu ay ku raaxaysan doonaan xalqadaha tababarka sidoo kale kulamada”